Jibsiga Sabayada Tortilla
Jibsigan dhadhanka leh ee la dubay ayaa ka caafimaad badan jibsiyada dukaanka laga soo iibsado, waana ka xiiso badan yahay, sidoo kale! Ku fiican iidaanka, xummuus, ama goosaarta daardaarashada ee aad jeceshahay.
Heerkulka: | 400 darajo xaraareed |
Tirada Dadka: | 8 jabab |
Waqtiga diyaarinta: | 10 daqiiqo |
Waqtiga karinta: | 10 daqiiqo |
Wadarta waqtiga: | 20 daqiiqo |
Qalabka: | Saxanka foornada Tiish |
Maacuunta: | Mindi |
Maaddooyinka
6 xabo sabaayada tortilla ah oo isqabta
Saliida cuntada ee birta lagu buufiyo
Cusbo si dhadhan loogu yeelo (ikhtiyaari)
Tilmaamaha
- Kahor inta aadan hawsha bilaabin, dhaq gacmahaaga, sagxadaha, iyo maacuunta.
- Sii kululee foornada ama mashiinta rootiga lagu solo ilaa ay ka gaarto 400 darajo xaraareed. Haddii aad isticmaalayso foornada caadiga ah, saar meel dhexe birta rakada ah ee foornada.
- Si khafiif ah u mari saliid saxanka foornada adigoo isticmaalaya saliida cuntada ee birta lagu buufiyo.
- U kala jar sabaayadaha tortillas 8 jeex oo siman oo ku dul fidi saxanka foornada. U kari jeexyada sabaayada tortilla qayb-qayb ahaan beddelkii aad is dul saari lahayd si aad u hubiso in ay si siman u karaan. FIIRO GAAR AH: Foornada caadiga ah, waxaa lagu kariyaa hal saxaarad oo kaliya markiiba. Haddii aad kariso wax ka badan hal saxaarad markiiba, saxaarada ugu dhow kululeeyaha ee ku jirta foornada ayaa guban doonta.
- Ku buufi sabaayadaha tortillas dushooda saliida cuntada ee birta lagu buufiyo iyo cusbo yar, haddii loo baahdo.
- Dub muddo dhan 8-12 daqiiqo ay ka qallafto ama ka yara bislaato. Si dhow ulasoco si aysan jajabku u gubanin.
- Soo bixi saxanka foornada oo si buuxda ugu dul qabooji tiishyada. FIIRO GAAR AH: Haddii jababka sabaayada ah aysan si buuxda u qaboobin ma noqon doonaan kuwo qallafsan.
Talooyinka
- Isla qaado cuntadan iyo Iidaanka Kulaylaha ee Celebrate Your Plate ama Xumuuska Dugsiga Kadib ee Celebrate Your Plate.
Maaddooyinka