Iidaanka Kulaylaha
Samayso iidaan kuu gaar ah si aad u qaadato cunto basbaas leh xilliga kulaylaha.

Heerkulka: | IMA KHUSEEYO |
Tirada Dadka: | 3/4 - 1 koob |
Waqtiga diyaarinta: | 30 daqiiqo |
Waqtiga karinta: | IMA KHUSEEYO |
Wadarta waqtiga: | 30 daqiiqo |
Qalabka: | Mindi af badan Qaaddada cuntada lagu walaaqo Koobka iyo qaaddooyinka cuntada lagu cabbiro |
Maacuunta: | Mindi af badan Qaaddada Cuntada Lagu Walaaqo |
Maaddooyinka
1 sukiini oo dhexdhexaad ah, la googooyay
1 basal, la googooyay
3 tamaandhada/yaanyada Roma, la googooyay
1 basbaaska halabeenyo ah (ikhtiyaari)
4 xabo oo toon qoyan ah, la kalaawiyay AMA 4 qaaddo oo toonta buddada ah
1/ 2 koob oo kabsar caleen daray ah AMA baqdoonis, la googooyay/jarjaray
1/2 qaaddo oo cusbo ah
1/4 koob oo liin dhannaan ah AMA biyaha liin dhannaanta ah
Tilmaamaha
- Kahor inta aadan hawsha bilaabin, dhaq gacmahaaga, sagxadaha, iyo cuntada.
- Haddii aad isticmaalayso basbaaska halabeenyo, xiro gacmo-gashiyada la tuuri karo oo miraha ama iniinta ka saar basbaaska. Si yaryar loo googooyay. Haddii aadan haysan gacmo-gashiyo, ku dhaq gacmahaaga saabuun iyo biyo kadib markaad gacanta ku qabato basbaaska jalapeño.
- Isku dar maaddooyinka (maqaaddiirta) oo dhan adigoo adeegsanaya baaquli dhexdhexaad ah oo walaaq si aad isugu qasto.
- Ku qabooji qaboojiyaha ama firintijeerka ugu yaraan 30 daqiiqo kahor inta aadan gurin si uu dhadhan u yeesho.
Talooyinka
- Isku day inaad cuntada ku darto khudaarta kale ee xilli-sannadeedka soo go'da si aad isugu dheelitirto yaanyada iyo basasha, sida qajaarka, bocorka jaalaha ah, barbarooniga cagaaran, garruunje, ama sabuul.
- Si aad u hesho cunto macaan oo laga samayn karo soo'adan, isticmaal furuut sida beeriga buluuga ah, liin bambeelo, tufaax, iyo farsuug/canbaruud. Fiiq toonta si aad ugu dheelitirto dhireynta dhadhanka yar leh.
La Sifeeyay

Maxaa laga sameeyaa Iidaanka Xilliga Kulaylaha?





