Galleyda iyo Saladh Maksikaanka Isku Qasan
Saladhkan dhaldhalaalka iyo midabada badan leh ee laga soo minguuriyay sabuulka wuxuu ka samaysan yahay galley daray ah ama barafaysan si aad xilli kasta u smaaysato.

Heerkulka: | Kulayl dhexdhexaad-sare ah |
Tirada Dadka: | 1 koob |
Waqtiga diyaarinta: | 10 daqiiqo |
Waqtiga karinta: | 5 daqiiqo |
Wadarta waqtiga: | 15 daqiiqo |
Qalabka: | Birtaabada cunto shiilida oo weyn Baaquli weyn |
Maacuunta: | Qaaddada cuntada lagu walaaqo Koobka iyo qaaddooyinka cuntada lagu cabbiro |
Maaddooyinka
2 qaaddo oo saliid saytuun ah AMA saliida cuntada
24 wiqiyadood oo galley/sabuul barafaysan ah, la dhalaalay oo la dubay (qiyaastii 5 1/3 koob)
1/ 2 qaaddo oo basal baar ah, la jarjaray
1/4 qaaddo oo kabsar caleen ah, si siman loo jarjaray
1/2 koob oo farmaajada cotija, oo xorshosh ah, la kala qeybiyay
2 qaaddo oo biyaha liinta
1 xabo basbaaska halabeenyo ah, si fiican loo jarjaray (ikhtiyaari)
1 xabo oo toon qoyan ah, la kalaawiyay AMA 1 qaaddo oo toonta buddada ah
1/2 qaaddo oo cusbo ah
1 qaaddo oo basbaas ah
Tilmaamaha
- Kahor inta aadan hawsha bilaabin, dhaq gacmahaaga, sagxadaha, iyo maacuunta.
- Ku kululee saliida birtaabada cunto shiilida ee weyn adigoo dul saaraya dab dhexdhexaad ah. Marka saliidu burto, ku dar galleyda/sabuulka oo kari, adoo inta badan walaaqaya, ilaa ay madduul ka noqoto oo ay ka bilowdo inay babaco noqoto, 6-7 daqiiqo.
- Ku shub galleyda/sabuulka babacada noqotay baaquli weyn oo ku dar basal baarta, kabsar caleenta, 1/4 koob oo farmaajada cotija ah, biyaha liinta, basbaaska halabeenyo (haddii la isticmaalayo), toonta, milixda, iyo basbaaska buddada ah. U kawtan si buuxda si aad isugu qasto.
- Ku dar kabsar dheeraad ah iyo 1/4 koob oo farmaajada cotija ah ee soo hartay.
Talooyinka
- Ma kuu yaalaa sabuul? Cuntadani waxay ku fiican tahay sabuul daray ah.
- Miyaanad ka heli karin farmaajada cotija ee laga helo suuqaaga? Waxaad ku beddeli kartaa farmaajada feta cotija si aad ugu darsato.
La Sifeeyay

Maxaa laga sameeyaa Sabuul Maksikaanka Waddada Lagu Gado?




