Nagu Saabsan

Cuntooyinka aad la cunto qoyskaaga waa inay noqdaan kuwo caafimaad leh oo aad ku faraxsan tahay!

Marka haddii aad rabto inaad dareento inaad cuntooyinka aad samayso ay fiican yihiin, waxaad timid goobtii saxda ahayd. Waad ku kalsoonaan kartaa Celebrate Your Plate si ay kaaga caawiyaan inaad miisaaniyad samaysato, wax qorshaysato, oo aad samaysato cunto caafimaad leh, oo dhadhan fiican leh. Waxaad ka heli doontaa liisaska cunto diyaarinta, talooyinka dukaameysiga, talooyinka cunto karinta iyo xitaa talooyin ku saabsan beerashada cuntadaada. Waxaa intaas dheer, waxaad ka faalloon kartaa liisaska cunto diyaarinta waxaadna akhrin kartaa faallooyinka ay bixiyaan dadka kale. Celebrate Your Plate goobo badan ayay gaaraan ee ay deggan yihiin bulshooyinka Ohio - keliya raadi astaanta Celebrate Your Plate!

Dan-wadaagteena

Celebrate Your Plate waxay halkan u joogaan inay reer Ohio ka caawiyaan inay ku noolaadaan nolol caafimaad leh iyagoo cunaya miro iyo khudaar badan. Waxaan nahay hindisaha Barnaamijka Kaalmada Nafaqadda Dheeraadka ah (Supplemental Nutrition Assistance Program) - Waxbarashada (SNAP-Ed). SNAP-Ed wuxuu ka caawiyaa dadka dakhligoodu yar yahay ee ku sugan daafaha gobolkeena inay sameeystaan cunto caafimaad leh iyo xulashooyin qaab nololeed.

Waxaan la shaqaynaa hay'adaha iskaashiga nala leh ee soo socda:

  • Samaynta Bulsho Caafimaad leh (Creating Healthy Communities)
  • Waaxda Waayeelada (Department of Aging)
  • Waaxda Waxbarashada (Department of Education)
  • Waaxda Shaqada & Adeegyada Qoyska (Department of Job & Family Services)
  • EFNEP
  • (Keydka Cuntada ee Bartamaha Ohio iyo keydadka cuntada ee kale ee gobolka) Mid-Ohio Food Bank and other regional food banks
  • WIC


Si wadajir ah, ayaa kooxahan waxaa loo yaqaan Guddiga Hawlaha Nafaqaynta ee Dalka (Guddiga Waxqabadka Nafaqeynta ee Gobolka), waxayna u adeegaan baahiyaha badan ee reer Ohio kuwaasoo dakhligoodu hooseyo.

Hagaag, marka kuwaasi waa dad badan. Balse dad badan ayaa jira oo danaynaya inay hubiyaan in adiga iyo qoyskaaga aad heshaan waxaad u baahan tihiin si aad ugu raaxaysataan cuntooyin dhadhan fiican leh, caafimaad leh, oo miisaaniyad ku habboon ay ku baxdo.

Waad ku mahadsantahay inaad na soo booqato waxaan rajayneynaa inaad si dhaqso ah noogu soo noqoto!


Powered by Translations.com GlobalLink OneLink Software