Saladhka Furuutka iyo Lowska Leh
Qaab aad u degdegsiimo badan oo aad ugu yeeli karto macaan hor leh salad-ka qabow ee caadiga ah.

Heerkulka: | IMA KHUSEEYO |
Tirada Dadka: | 1 koob |
Waqtiga diyaarinta: | 15 daqiiqo |
Waqtiga karinta: | IMA KHUSEEYO |
Wadarta waqtiga: | 15 daqiiqo |
Qalabka: | Looxa cuntada lagu jarjaro Baaquli weyn Baaquli yar Khudaar hoole |
Maacuunta: | Mindi Qaaddo yar ama fandhaal Fargeeto ama xurbin Koobka iyo qaaddooyinka cuntada lagu cabbiro |
Maaddooyinka
5 koob oo kabaash ah, si dhuudhuuban loo jarjaray AMA 1 16 wiqiyadood oo bac koola salad ah
1/2 koob oo miro la qalajiyay ah (murcod macaankiisa la dhimay, sabiibka, iwm.)
1 karooto, la firay
1/3 koob oo khal ah (cad, khamriga cas, ama tufaaxa)
2 qaaddo oo sonkor ah
2 qaaddo oo saliid saytuun ah AMA saliid cadeey ah
3/4 qaaddo oo cusbo ah
1/2 qaaddo oo filfil ah
2 tufaax oo dhexdhexaad ah, diirka laga fiiqay oo si dhuudhuuban loo saafay
1/4 koob oo laws aan cusbo lahayn ah (jows Ameerikaan, yicib, iwm.) la kala dhambalay
Tilmaamaha
- Kahor inta aadan hawsha bilaabin, dhaq gacmahaaga, sagxadaha, maacuunta, miraha, iyo khudaarta.
- Ku rid baaquli weyn kabaashka, miraha la qalajiyay, iyo karootada.
- Adigoo adeegsanaya baaquli yar, isku qas khalka, sonkorta, saliida, milixda iyo filfisha adigoo adeegsanaya fargeeto ama xurbin.
- Ku shub isku-dhafka khalka leh kabaashka dushiisa. Kawtan si aad isugu darto.
- Ku dar tufaaxa yo lawska wax yar kahor inta aadan gurin oo si fiican isugu walaaq.
La Sifeeyay

Maxaa laga sameeyaa Miro iyo Lows Qabow ee Salad-ka ah?



