Ismariska Kalluunka Tabadiinka iyo Khudaarta Leh
Seleriga la jarjaray iyo karootada la hoolay ayaa u yeela midabka iyo qababaca cashadan degdegga ah ee la cuno habeenka maalmaha shaqada.

Heerkulka: | Xammis |
Tirada Dadka: | 1 ismaris/saanwiij oo weji furan |
Waqtiga diyaarinta: | 15 daqiiqo |
Waqtiga karinta: | 5 daqiiqo |
Wadarta waqtiga: | 20 daqiiqo |
Qalabka: | Baaquli yar Saxanka foornada |
Maacuunta: | Qaaddada cuntada lagu walaaqo Koobka iyo qaaddooyinka cuntada lagu cabbiro |
Maaddooyinka
1 5 wiqiyadood oo kalluunka tabadiinka ee saliidiisa wata oo gasacadaysan, la miiray
1/4 koob oo seleri ah (qiyaastii 1 abbuul ama bal), la jarjaray
1 basal baar, la saafay
1/2 karooto/dabocase, la hoolay
1 qaaddo oo mayoneeys dufanku ku yahay
1/4 qaaddo oo filfil ah
3 doolshe Ingiriis oo sarreen ka samaysan
1/2 koob oo farmaajada adag ah, la firay
Tilmaamaha
- Kahor inta aadan hawsha bilaabin, dhaq gacmahaaga, sagxadaha, maacuunta, gasacadaha korkooda, iyo cuntada.
- Adigoo adeegsanaya baaquli yar, isku qas tabadiinka, seleriga, basal baarta, karootada, mayoneeys, iyo filfil.
- Dusha ka saar qayb kasta oo doolshe ah isku-dhafka tabadiinka iyo farmaajada la hoolay. Dulsaar saxanka foornada.
- Daar foornada ilaa ay karkarto. Geli saxanka foornada ee ay dul saaran tahay doolshe Ingiriisiga qaybta hoose xammisiyaha muddo dhan ilaa 3 daqiiqo, ama ilaa inta farmaajadu ka dhalaalayso.
La Sifeeyay

Maxaa laga sameeyaa Ismariska Kalluunka Tabadiinka iyo Khudaarta leh?




