Cutada Khudaar-cunaha oo Basbaas Leh
Basbaaskan khudaarta leh ee uu ku badan yahay khudradda iyo digirta caafimaadka leh, ayaad si aad ah uga heli doontaa.

Heerkulka: | Dab dhexdhexaad ah, Kul sarreeya, Iiri |
Tirada Dadka: | 1 koob |
Waqtiga diyaarinta: | 30 daqiiqo |
Waqtiga karinta: | 30 daqiiqo |
Wadarta waqtiga: | 1 saac |
Qalabka: | Looxa cuntada lagu jarjaro Dheri weyn Gasac fure |
Maacuunta: | Mindi Qaaddo yar Qaaddada cuntada lagu walaaqo Koobka iyo qaaddooyinka cuntada lagu cabbiro |
Maaddooyinka
Saliida cuntada ee birta lagu buufiyo
1 basal, la googooyay
2 barbarooni oo cagaaran, la googooyay
1 14.5 wiqiyadood oo yaanyo shiishiid aan milix/cusbo lagu darin oo gasacadaysan oo dheecaan leh
2 15 wiqiyadood oo digir madow ah oo aan milix/cusbo lagu darin oo gasacadaysan, la qallajiyay/miiray oo la biyo raaciyay
1 15 wiqiyadood oo sabuul/galley gasacadaysan ah oo aan wax milix/cusbo ah lagu darin, la qallajiyay/miiray lana biyo raaciyay AMA 1 1/4 koob oo sabuul/galley daray ah ama barafaysan
1 15.5 wiqiyadood oo digir waaweyn ah oo aan cusbo lagu darin oo gasacadaysan, la biyo raaciyay oo la qallajiyay ama miiray
1 6 wiqiyadood oo yaanyo shiishiid ah
1 1/2 qaaddo oo basbaas buddo ah
1 qaaddo oo basbaas guduud ah
1/2 qaaddo oo qorfe shiidan ah (Ikhtiyaari)
2 koob oo biyo ah
Tilmaamaha
- Kahor inta aadan hawsha bilaabin, dhaq gacmahaaga, sagxadaha, maacuunta, gasacadaha korkooda, iyo cuntada.
- Ku buufi bdheri weyn saliida cuntada ee birta lagu buufiyo.
- Ku dar basasha iyo basbaaska dheriga oo ku kari kulayl dhexdhexaad ah ilaa ay cuntadu ka jilicdo.
- Ku dar maaddooyinka hadhay, isku walaaq si aad isugu qasto, oo ha karkaraan.
- Ka gaabi dabka oo ha iiro qiyaastii 30 daqiiqo, adigoo marmar walaaqaya.
La Sifeeyay

Maxaa ku baxa Khudaarta Basbaaska Leh?




