Toofu iyo boronkooli la qaato oo Diyaarsan
Waa barotiin ka kooban waxyaabo badan iyo dhir, cuntadaan waan hilibka lahayn waad u xiisi doontaa mar walba.

Heerkulka: | 400 darajo xaraareed, kuleyl dhexdhexaad ah |
Tirada Dadka: | 1/2 koob oo tofu & borokooli + ½ koob bariis ah |
Waqtiga diyaarinta: | 30 daqiiqo |
Waqtiga karinta: | 35 daqiiqo |
Wadarta waqtiga: | 1 saac, 5 daqiiqo |
Qalabka: | Looxa cuntada lagu jarjaro Tiish Birtaabada cunto shiilida Sufur Saxanka foornada Saxan |
Maacuunta: | Mindi Qaaddada lagu walaaqo cuntada Koobka iyo qaaddooyinka cuntada lagu cabbiro |
Maaddooyinka
1 boown oo ah rootiga tofu (jilicsan ama aad u jilicsan)
1 koob oo baronkooli ah, la yaryareeyay
4 qaaddo oo saliid saytuun AMA saliid cadeey ah, la kala qaybiyay
2 xabo oo toon qoyan ah lana fiiqay AMA 2 qaaddo oo toon buddo ah
1 basal oo weyn, la googooyay
1/4 koob biyo ah
1 qaaddo oo suugada soybeeska oo dufanku ku yar yahay
1/2 qaaddo oo jafka basbaas gaduudka ah
2 koob oo bariis bunni ah, la kariyay
Tilmaamaha
- Kahor inta aadan hawsha bilaabin, dhaq gacmahaaga, sagxadaha, iyo cuntada.
- Ku sii kululee foornada ilaa 200 darajo xaraareed. Saar tofu-ga geeska saxanka oo dhexda ka kala jar oo jeex kastana usii kala jar 4 qaybood oo is le’eg (8 qaybood guud ahaan ha noqdo).
- Saar xaashi labo laaban looxa cuntada lagu jarjaro oo korka ka saar tofu. Ku laab geesaha xaashida tofu-ga, oo korka ka saar wax culus sida birtaabada cunto shiilida. Geli furinjiyeer oo u oggoloow inuu qoyo ugu yaraan 30 daqiiqo.
- Saar xaashida alumuuniyaamka ah saxanka cuntada lagu dubo, ku dar barankooli oo ku firdhi 1/2 qaado oo saliid ah. Kawtan si ay u dahaarto. Ku dub foornada ilaa 15 daqiiqo.
- Adoo isticmaalaya birtaabada cunto shiilida oo kuleyl dhexdhexaad ah leh, kululee 1 ½ qaado oo saliid ah. Marka saliidu kululaato, ku dar tofu-ga, halkii jeexba adoo halmar saaraya, oo kari ilaa dahabi ka noqonaayo, qiyaas ahaan 3 daqiiqo halkii geesba. Saar tofu-ga oo saar saxanka kadibna gees dhig.
- Ku dar 2 da qaado oo saliida ah ee hartay birtaabada cunto shiilida oo maran leh kuleyl meel dhexaad ah. Ku dar toon iyo basal oo kari ilaa uu gaduud ka noqonaayo, qiyaas ahaan 5 daqiiqo ama ilaa basashu ka bislaaneyso. Ku dar barankooli, maraqa sooyga, iyo biyo. Si fiican iskugu walaaq. Kari ilaa 1-2 daqiiqo ilaa inta ay suugada ka adkaanayso. Si tartiib ah ugu dhex walaaq tofuga la kariyey kana dami kuleylka.
- Ku duldaadi caleemaha basbaas gaduudka. In dhan 1/2 koob ku dar halkii qayb oo bariis ah.
La Sifeeyay

Maxaa lagu daraa Tofuga iyo Borokooliga Safaariga ah?




