Farmaajo La Solay oo Khudaar Badan Leh
Aan Lahayn Caano |
Loogu Talagalay Ilmaha |
Cuntooyinka Ugu Muhiimsan |
Dedeg ah oo Fudud |
Ku Badan Liilka |
Khudaar-cune |
Ku Habboon WIC |
Aan Lahayn Ukun |
Aan Lahayn Lows
Farmaajada la solay marnaba ma duugowdo, gaar ahaan marka aad ku darto qababacle caafimaad leh oo barbarooni iyo isbinaaj leh.

2
Tirada Nafarada
20 daqiiqo
Wadarta Waqtiga
$1.71
Qiimaha Nafar Walba*
Heerkulka: | Dab dhexdhexaad-hoose ah |
Tirada Dadka: | 1 ismaris/saanwiij |
Waqtiga diyaarinta: | 10 daqiiqo |
Waqtiga karinta: | 10 daqiiqo |
Wadarta waqtiga: | 20 daqiiqo |
Qalabka: | Birtaabada cunto shiilida oo dhexdhexaad ah ama weyn |
Maacuunta: | Mindida cunto-kariyaha Mindida subaga Qaaddo yar Koobka iyo qaaddooyinka cuntada lagu cabbiro |
* Qiimaha iyo helitaanka maaddooyinka cuntada way kala duwanaan karaan marka loo eego gobollada kala duwan ee Ohio. Macluumaadka qiimaha nafar kasta waa in loo isticmaalo hagis guud ahaan marka la tixgelinayo kharashka cuntada.
Maaddooyinka
1 barbarooni oo dhexdhexaad ah (cas, jaalle, ama cagaaran), la jarjaray
1/2 basal baar, la saafay
4 gabal oo rooti badar ka samaysan ah
1/4 qaaddo oo subag ah AMA margariin ah
1/4 qaaddo oo toon buddo ah
4 gabal oo farmaajo Ingiriisi ah
1 koob oo isbinaaj daray ah
Tilmaamaha
- Kahor inta aadan hawsha bilaabin, dhaq gacmahaaga, sagxadaha, iyo cuntada.
- Gigtir 4 gabal oo rooti ah. Si dhuudhuuban u saaf dusha sare jeex kasta oo rooti ah adigoo isticmaalaya subag ama margiriin.
- In yar ku rushee daafaha rootiga toon buddo ah adigoo ka dul marinaya subagga ama margariinka. Darfaha rootiga ayaa hoos la gelin doontaa si birtaabada loogu dubo.
- Ku dul fidi jeex farmaajada ah geeska rootiga ee aan lahayn toonta buddada ah iyo subagga ama margariinka. Ku dar lakabyada caleemaha isbinaajka ah, basbaaska, iyo basasha dul saaran labada xabbo ee rootiga ah. Ku dar jeexa labaad ee farmaajada. Dusha ka saar gabal kale oo rooti ah, iyadoo toonta buddada ah iyo subagga ama margariinka marinaya.
- Ku klulee birtaabada cunto shiilida dab dhexdhexaad-hoose ah. Dulsaar ismariska/saanwiijka birtaabada cunto shiilida, oo ku dad saxan, dabool, ama sufur / xaanshida cunto dubista.
- Kululee ismariska/saanwiijka ilaa farmaajada ka dhalaasho oo rootigu ka dubmo, 2-3 daqiiqo. Rog oo dub dhanka kale ilaa uu ka bislaado.
Talooyinka
- Si aad u samaysato quraac ismaris/saanwiij ah oo macaan, ku dul dar ukun fudud ismariska/saanwiijka.
- Ma haysatid miyaa farmaajo la saafay? Farmaajada la firay ayaa sidoo kale la isticmaali karaa! U isticmaal 1/4 koob oo farmaajo la firay ah jeex kasta.
- Isku day inaad isticmaasho farmaajo dufanku ku yar yahay oo aad jeceshahay si aad uga samaysato ismaris/saanwiij, sida burcadka mozzarella.
- Ha haysataa yaanyo/tamaandho dheeraad ah? Ku dar dhowr jeex oo ismariskaaga/saanwijkaaga!
Maadooyinka
La Sifeeyay
La Sifeeyay

Maxaa laga sameeyaa Ismariska iyo Khudaarta La Dubay?

Basal Cad

Isbinaaj

Toon Buddo ah

Barbarooni

Rootiga Heeda Isqabta
Macluumaadka Nafaqada(Nafar Kasta)
KALORIYADA
370
WADARTA DUFANKA
13g
CUSBADA
660mg
WADARTA KARBOHAYDARAYDHKA
40g
BOROTIINKA
23g