Barakooliga Mac iyo farmaajada Stovetop
Cuntadan riyada, labanta leh ee mac iyo farmaajada waxay kobcinta nafaqada leh ka helaysaa borokooli.
Heerkulka: | Dab dhexdhexaad ah |
Tirada Dadka: | 3/4 koob |
Waqtiga diyaarinta: | 10 daqiiqo |
Waqtiga karinta: | 35 daqiiqo |
Wadarta waqtiga: | 45 daqiiqo |
Qalabka: | Baaquli ku habboon cunto-diiriyaha Baastamiir Dheri yar oo dabool leh Dheri weyn |
Maacuunta: | Qaado caag ah Koobka iyo qaaddooyinka cuntada lagu cabbiro |
Cunto karinta laga soo xigtay The Food Trust’s Cooking Matters
Maaddooyinka
1 madax oo barakooli ah, oo loo jarjaray si yaryar
1 16-wiqiyood oo ah baasto laga sameeyay badar baal leh (sida baasto makarooni, rotini, ama baasto penne)
1 1/2 koob oo caano dufanku ku yar yahay ah
11/2 qaaddo oo subag aan lahayn cusbo ah
2 qaaddo oo bur cad ah
3/4 qaaddo oo cusbo ah
1/4 qaaddo oo filfil ah
4 qaaddo oo jiiska kareem iyo dufanku ku yar yahay ah (qiyaas ahaan 2 wiqiyood)
5 wiqiyood oo farmaajada cad ama farmaajada Monterey Jack la xoshay
Tilmaamaha
- Kahor inta aadan hawsha bilaabin, dhaq gacmahaaga, sagxadaha, iyo cuntada.
- Saxanka mikroweefka, ku dar barakooli iyo biyo ku filan oo ilaa heer dhexda gaaraya. Kululee mikraweefka ilaa layrka cagaarka ah shidmo diyaarna noqdo, qiyaas ahaan 6-8 daqiiqo.
- Kadibna kari baastada adigoo raacaya tilmaamaha baakada. Biyaha ka miir adoo isticmaalaya miire oo meel dhigo. Inta baastadu karsameyso, samee maraqa farmaajada.
- Adoo dab meel dhexaad ah saaraya digsi yar, kululee caanaha ilaa ay kuleyl noqonayaan ayna sameynayaan ubur, qiyaas ahaan 3-5 daqiiqo. Marka ay kululaadaan, ka deji dabka. Dabool si ay u diiranaadaan.
- Adoo dab meel dhexaad ah saaraya digsi wayn, kululee subaga. Ku dar bur. Ku qas farqeetada caaga ah, si joogto ah u walaaq ilaa isku darku isdhex gelaayo burkuna si fiican ugu qasmaayo.
- Si aayar ah ugu dar caano diiran digsiga wayn. Si joogto ah ugu walaaq qaado caag ah ilaa maraqu ka adkaanaayo. Maraqu waa inuu si fiican isku qabsadaa uuna marka fargeetada la geliyo, waa inuu fargeetada dib usoo raacaa.
- Ku walaaq cusbo iyo filfil. Ku dar farmaajada kareemka ah, farjaamada la xoolay, iyo barakooli. Walaaq ilaa farmaakada la xoolay ka milmayso. Ka qaad dabka.
- Ku dar baasto maraqa farmaajada. Walaaq si ay u gaarto.
Talooyinka
- Isticmaal khudaar kasta oo aad jeceshahay. Isku day inaad isticmaashid 11/2 koob oo yaanyo la jarjaray, dhalo-cadaha la uumiyay, ama salbugo la kariyey ama isbinaaj halkii aad ka isticmaali lahayd borokooli.
- Si aad u hesho dhadhan dheeraad ah, ku dar 1/2 qaado-shaah riixaan la qalajiyey ama dhir kasta iyo xawaashyada aad jeceshahay. Iskula qas suugada milix iyo basbaaska madow.
La Sifeeyay