Khudaarta Isku Dhafka ah ee Lagu Kariyo Foornada Dusheeda
Ha oggolaan in magaca quruxda badan ku marin habaabiyo: khudaarta isku dhafan way fududahay in la sameeyo. Wax walba waxaa lagu diyaariyaa hal dheri oo keliya. Caafimaad Ku Cun!

Heerkulka: | IMA KHUSEEYO |
Tirada Dadka: | 1 koob |
Waqtiga diyaarinta: | 10 daqiiqo |
Waqtiga karinta: | 30 daqiiqo |
Wadarta waqtiga: | 40 daqiiqo |
Qalabka: | Looxa cuntada lagu jarjaro Dheri weyn Gasac fure |
Maacuunta: | Mindi Fargeeto Qaadada cuntada lagu walaaqo, qaaddada yar, ama qabatada Koobka iyo qaaddooyinka cuntada lagu cabbiro |
Maaddooyinka
1 qaaddo oo saliid saytuun ah AMA saliida cuntada
2 shaf digaag oo laf iyo harag toona lahayn, u kala jarjar 1-inji gabalo ah
2 kuuso ama sukiini, si dhuudhuuban loo saafay
1 bidinjaan, la diiray oo loo kala jarjaray saddex-jibbaaraneyaal 1-inji ah
1 basal, si dhuudhuuban loo saafay
1 barbarooni cagaar ah, loo kala jarjaray gabalo 1 inji ah
1 8 wiqiyadood oo boqoshaa bac ku jira ah, la saafay
1 14.5 wiqiyadood oo yaanyo la jarjaray oo aan cusbo lagu darin oo gasacadaysan oo dheecaan leh
4 xabo oo toon qoyan ah, la kalaawiyay AMA 4 qaaddo oo toonta buddada ah
2 qaaddo oo xawaaji Talyaani ah AMA Xawaaji Talyaaniga Celebrate Your Plate
Tilmaamaha
- Kahor inta aadan hawsha bilaabin, dhaq gacmahaaga, sagxadaha, maacuunta, gasacadaha korkooda, miraha, iyo khudaarta.
- Ku kululee saliida gudaha dheri weyn. Ku dar hilib digaaga oo kari muddo dhan 6-8 daqiiqo, ilaa ay cuntadu ka karto.
- Ka bixi hilib digaaga gudaha dheriga oo ku dar kuusada ama sukiiniga, bidinjaanka/bitinjaanka, barbarooniga cagaaran, iyo boqoshaaga. Kari muddo dhan 15 daqiiqo, adigoo marmar walaaqaya.
- Ku dar yaanyada, xawaaji Talyaaniga, iyo toonta (haddii la isticmaalayo). Walaaq si aad isugu darto. Ku dar hilib digaaga oo sii kari ilaa 8 daqiiqo, ama ilaa bidinjaanka la saafay uu ka jilco oo si fudud ay u dhex gelikarto fargeetada.
La Sifeeyay

Maxaa laga sameeyaa Khudaarta Isku Dhafka ah ee Lagu Kariyo Foornada Dusheeda?






