Goosaarta Salad Faransiiska
Samaysashada goosaarta saladka ayaa ah hab fiican oo aad ku dhimi karto sonkorta aadna lacag ku dhaqaalaysan karto. Qooshkan ayaa laga samayn karaa xawaajiyada isku qasan, sidoo kale.
Heerkulka: | IMA KHUSEEYO |
Macluumaadka diyaarinta: | 3 Qof, waxay noqotaa 6 qaaddo |
Tirada Dadka: | 2 qaaddo |
Waqtiga diyaarinta: | IMA KHUSEEYO |
Waqtiga karinta: | 3 daqiiqo |
Wadarta waqtiga: | 3 daqiiqo |
Qalabka: | Jeeg ama dhalo dabool leh |
Maacuunta: | Koobka iyo qaaddooyinka cuntada lagu cabbiro Xurbin ama fargeeto |
Maaddooyinka
2 qaaddo oo saliid saytuun ah AMA saliida cuntada
1/4 koob oo sonkor macaanku ku badnayn ah iyo kajab cusbaysan
1 qaado oo malab AMA sonkor ah
1 qaaddo oo khal cad ah
1/2 qaaddo oo babariika ah
1 qaaddo oo basal buddo ah
1 qaado oo biyaha liinta ah
Tilmaamaha
- Kahor inta aadan hawsha bilaabin, dhaq gacmahaaga, sagxadaha, iyo maacuunta.
- Isku wada dar maaddooyinka oo dhan adigoo ku ridaya jeeg ama dhalo leh dabool adag.
- Saar daboolka oo si fiican u rux. Haddii maaddooyinku aysan si buuxda isugu qasmin ku xurbi fargeeto kahor inta aadan gurin.
- Ku qabooji qaboojiyaha ama firintijeerka ugu yaraan 1 saac kahor inta aadan gurin.
Talooyinka
- Keydi goosaar kasta oo soo harta adigoo ku shubaya weel hawadu aysan geli karin oo geli qaboojiyaha ama firintijeerka si loo isticmaalo 4 maalmood gudahooda.
Maaddooyinka