Isbiineej laga sameeyay farmaajo iyo maashroom
Habka ugu fudud, ugu macaan ee aad ku heli karto khudaartaada? Cuntadan lagu cuni karo ee labeenta leh ee jamashada leh!

Heerkulka: | 400 darajo xaraareed |
Tirada Dadka: | 2 furood oo boqoshaa laga buuxiyay |
Waqtiga diyaarinta: | 10 daqiiqo |
Waqtiga karinta: | 20 daqiiqo |
Wadarta waqtiga: | 30 daqiiqo |
Qalabka: | Shukumaan qoyan Baaquliga cuntada lagu qaso Saxanka foornada |
Maacuunta: | Qaaddada lagu walaaqo cuntada Koobka iyo qaaddooyinka cuntada lagu cabbiro |
Maaddooyinka
2 8 wiqiyood oo baakado ah (maashroomka yaryar ama cad)
1 10 wiqiyood oo ah bokis isbiineej la jarjaray ah, barafka laga riday oo si fiican loo biyo raaciyay
1/4 koob oo farmaajada Parmesan ah
2 qaado oo saliid saytuun ah AMA saliida khudaarta, oo lagu daray wax badan oo la mariyo qolofyada maashroomka
1 1/2 qaaddo oo xawaaji Talyaani ah
1/4 qaaddo oo cusbo ah
2 xabo oo toon qoyan ah, la kalaawiyay AMA 2 qaaddo oo toon buddo ah
1/4 koob oo jajabyada rootiga qallalan ah
Tilmaamaha
- Kahor inta aadan hawsha bilaabin, dhaq gacmahaaga, sagxadaha, maacuunta, gasacadaha korkooda, miraha, iyo khudaarta.
- Sii kululee foornada ilaa 400 darajo xaraareed.
- Ka saar oo tuur qaybta hoose ee maashroomka. Nadiifi qaybaha kore ee maashroomka adoo isticmaalata maro qoyan si aad wasakh kasta oga saarto.
- Ku dar isbineej la miiray oo ku shub baaquli uu kujiro farmaajada Parmesan, saliid, xawaash Talyaani,cusbo, toon, iyo jajabyada rootiga. Isku qas si aad isku dhex geliso noocaas cuntada.
- Qaadada si siman ugu buuxi madaxyada maashroomka, si aayar u mari saliid maashroom kasta, oo ku rid saxanka wax lagu dubo.
- Dub muddo 20 daqiiqo ah ilaa maashroomku ka bislaanaayo.
La Sifeeyay

Maxaa lagu daraa Isbinaajka Parmesan ee Lagu Cufeeyay Boqoshaa?




