Ismariska Sloppy Garden Joes
Ma rabtaa sanwijka ama Ismariska macaan oo caafimaadka leh? Annagana nagu tasho.

Heerkulka: | Kulayl dhexdhexaad-sare ah |
Tirada Dadka: | 1/2 rooti ahni ah iyo 3/4 koob oo isku-dhafka ismariska sloppy joe |
Waqtiga diyaarinta: | 10 daqiiqo |
Waqtiga karinta: | 20 daqiiqo |
Wadarta waqtiga: | 30 daqiiqo |
Qalabka: | Looxa cuntada lagu jarjaro Birtaabada cunto shiilida oo weyn Gasac fure |
Maacuunta: | Mindi Malgacad ama qaaddada cuntada lagu walaaqo Koobka iyo qaaddooyinka cuntada lagu cabbiro |
Maaddooyinka
1 qaaddo oo saliid saytuun ah AMA saliida cuntada
1 basal, la googooyay
1 karooto, si fiican loo firay
1 barbarooni, la googooyay
1 rodol duqad hilib lo' ah (85% ama jilicsan) oo caato ah
1 8 wiqiyadood oo yaanyo shiishiid ah AMA 1 koobka dhalada ah oo yaanyo shidni ah
1 15 wiqiyadood oo yaanyo shiishiid aan milix/cusbo lagu darin oo la ridqay, la miiray
1 8 wiqiyadood oo boqoshaa ah, la qallajiyay, la biyo raaciyay, oo la hurgufay AMA 1 koob oo boqoshaa ah oo daray ah, loo jarjaray gabalo 1/4-inji ah
1/4 koob oo goosaarta hilibka duban ah
1 xabo oo toon qoyan ah, la kalaawiyay AMA 1 qaaddo oo toonta buddada ah
1/4 qaaddo oo filfil ah
6 rooti oo badar ka samaysan, oo laba gabal loo kala jaray
Goosaarta Ikhtiyaariga ah: basal cas oo la jarjaray, gabalo qajaar ah, karooto la jarjaray, baqdoonis ama kabsar la jarjaray
Tilmaamaha
- Kahor inta aadan hawsha bilaabin, dhaq gacmahaaga, sagxadaha, maacuunta, gasacadaha korkooda, iyo cuntada.
- Adigoo adeegsanaya birtaabada cunto shiilida oo weyn, ku kululee saliida dab dhexdhexaad ah. Ku dar basasha, karootada, iyo barbarooniga. Dallac ilaa cuntadu ay ka bilowdo inay jilicdo, qiyaastii 5 daqiiqo.
- Isla digsiga, ku dar hilibka lo'da ee shiidan. Adigoo isticmaalaya fandhaal ama qaaddo yar, burburi hilibka oo ka dhig caddad yaryar. Isku kari hilibka iyo khudaarta 5 daqiiqo oo dheeraad ah. Si joogto ah u walaaq ilaa midabka casuuska ah ka baxayo oo hilibku si buuxda uga karayo.
- Ku dar yaanyo shidni, yaanyo la jejebiyay ridqay, boqoshaaga, goosaarta hilibka la dubo, toonta buddada ah, iyo filfisha. Dabool birtaabada cunto shiilida oo ha burto.
- Ka gaabi dabka oo ha iiro ilaa 10 daqiiqo, adigoo marmar walaaqaya.
- Daboolka ka qaad oo kari 3 daqiiqo oo dheeraad ah ama ilaa ay ka adkaato.
- Gur isagoo weji furan oo soo raaci burka la solay ama burka badarka ka samaysan ee beegarka. Ku dar koosaarta ikhtiyaariga ah haddii loo baahdo.
La Sifeeyay

Maxaa ka socda Beegarka Wejiga Furan?





