Hilib Kalluun iyo Khudaar Sufur Ku Duuban
Sufurku wuxuu hilib kalluunkaaga ka dhigaa mid qoyaan, jilicsan, oo dhadhan leh.

Heerkulka: | 450 darajo xaraareed |
Tirada Dadka: | 1 baakad oo hilib kalluun iyo khudaar ah |
Waqtiga diyaarinta: | 10 daqiiqo |
Waqtiga karinta: | 10 daqiiqo |
Wadarta waqtiga: | 20 daqiiqo |
Qalabka: | Looxa cuntada lagu jarjaro Sufur Saxanka foornada |
Maacuunta: | Mindi Koobka iyo qaaddooyinka cuntada lagu cabbiro |
Maaddooyinka
4 4 wiqiyadood oo hilibka cad ee kalluunka ee aan lafaha lahayn (daray ah ama la qaboojiyay) (sharfato, laba shaflaha, dabaylka, iwm.)
2 koob oo khudaar (daray ah ama la qaboojiyey) ah, loo jarjaray gabalo 1/2 inji ah
1 basal oo yar, la jarjaray
1 qaado oo biyaha liinta ah AMA liin daray ah, si dhuudhuuban loo saafay
1 xabo oo toon qoyan ah, la kalaawiyay AMA 1 qaaddo oo toonta buddada ah
2 qaaddo oo Xawaaji Talyaaniga Celebrate Your Plate AMA 2 qaaddo oo geed-dhireedyo daray ah
Tilmaamaha
- Kahor inta aadan hawsha bilaabin, dhaq gacmahaaga, sagxadaha, iyo cuntada.
- Sii kululee foornada ilaa 450 darajo xaraareed.
- Jeex 4 xabbo oo sufur ah, oo mid walba dhererkiisu yahay 12 inji. Saar 4 xabbo oo dhan saxanka foornada.
- Si siman khudaarta ugu kala qaybi afarta sufur ee afar geeska ah.
- Saar kalluunka aan lafaha lahayn khudaarta dusheeda.
- Ku rushee toonta buddada ah iyo xawaaji Talyaaniga hilib kalluunka dushiisa.
- Ku rushee hilib kalluunka biyaha liinta (ama ku kor dar jeex liin ah). Isku laab darafyada xaanshida sufurka ah si aad uga samayso qalqale ama kolay.
- Dub ilaa 10 daqiiqo. Hilib kalluunka waa in si sahlan fargeetadu u jafi karto markuu karo.
La Sifeeyay

Maxaa laga sameeyaa Hilibka Kalluunka iyo Khudaarta Sufur Ku Duuban?


