Ismariska Kalluunka Tabadiinka ee Tufaaxa Leh
Cuntadani dhiiragelinta leh oo loo bogi karo kaagama baahna inaad kariso waxayna leedahay dhadhano badan iyo xorshosh badan.
Heerkulka: | IMA KHUSEEYO |
Tirada Dadka: | 1/2 koob hilibka kalluunka tabadiinka/isku-dhafka hilib digaaga + 1 ismaris heed ama sarreen ka samaysan, doolshe, sabaayad, ama ansalaato dusheeda |
Waqtiga diyaarinta: | 15 daqiiqo |
Waqtiga karinta: | IMA KHUSEEYO |
Wadarta waqtiga: | 15 daqiiqo |
Qalabka: | Looxa cuntada lagu jarjaro Baaquli dhexdhexaad ah Gasac fure |
Maacuunta: | Mindi Koobka iyo qaaddooyinka cuntada lagu cabbiro Qaaddada cuntada lagu walaaqo |
Maaddooyinka
1 tufaax
1 5 wiqiyadood oo kalluunka tabadiinka oo gasacadaysan
1/2 koob ciirta faniilaha leh oo dufanku ku yar yahay
1 qaaddo oo qal ah
1 qaaddo oo malab ah
4 jeex oo heed ama sarreen ah: gabalo rooti ah, dooshe Ingiriisi, sabaayad, buskud iwm. AMA 4 caleemaha ansalaatada ah ee cuntada lala guro
Tilmaamaha
- Kahor inta aadan hawsha bilaabin, dhaq gacmahaaga, sagxadaha, iyo miraha.
- U jarjar tufaaxa gabalo yaryar.
- Ka miir biyaha hilibka kalluunka tabadiinka ama hilib digaaga gasacadaysan.
- Ku rid hilibka kalluunka tabadiinka, tufaaxa, ciirta, qalka, iyo malabka baaquli dhexdhexaad ah oo walaaq si aad isugu darto.
- Saar 1/2 koob isku-dhafka hilibka kalluunka tabadiinka leh rooti ama ansalaato dooqaaga ah si aad uga samayso ismaris.
Maaddooyinka