Saladhka Soo Go'o Xilli Sannadeedka
Waa mid dhadhan fiican leh oo ku habboon miraha dooqaaga ah.
Heerkulka: | IMA KHUSEEYO |
Tirada Dadka: | 2 koob |
Waqtiga diyaarinta: | 10 daqiiqo |
Waqtiga karinta: | IMA KHUSEEYO |
Wadarta waqtiga: | 10 daqiiqo |
Qalabka: | Looxa cuntada lagu jarjaro Baaquli weyn |
Maacuunta: | Mindi Koobka iyo qaaddooyinka cuntada lagu cabbiro Xurbin ama fargeeto Qabatada ama fargeetada loogu talagalay kawtanka salad-ka |
Maaddooyinka
Loogu talagalay goosaar ahaan
1/3 koob oo khal ah (khalka cad, khalka tufaaxa, khalka madow, ama khalka khamriga cas ka samaysan)
1 qaaddo oo khalka Dijon ah
1/2 qaaddo oo cusbo ah
1 qaaddo oo sonkor AMA malab ah
1/2 qaaddo saliid saytuun ah AMA saliida cuntada ah
Loogu Talagalay Salad-ka
1 rodol oo salad-ka cagaaran ah (isbinaaj, salakd-a kale ama nooc kasta oo ansalaato ah), la hurgufay si loo qallajiyo oo la jarjaray
2 koob oo furuut ah, la jarjary oo laga dhigay gabalo la cuni karo (farawla, baare, bambeelmo, iwm.)
1/2 koob oo laws ah oo aan cusbo lahayn (jows Ameerikaan, lawska godan, lawska caadiga ah), la kala dhambalay AMA 1/2 koob iniinta gabbaldayaha aan oo milix lahayn
Tilmaamaha
- Kahor inta aadan hawsha bilaabin, dhaq gacmahaaga, sagxadaha, iyo cuntada.
- Adigoo isticmaalaya baaquli weyn, isku dar maaddooyinka goosaarta ah oo ku walaaq fargeeto ama xurbi ilaa si fiican iskugu qasmaan.
- Ku rid salad-ka cagaaran, miraha, iyo lowsaska gudaha baaquli. Si tartiib ah iskula kawtan.
Talooyinka
- Ma waxaad raadinaysaa inaad salad-kan u yeesho xoogaa borotiin ah? Isku day inaad isticmaasho xoogaa hilib digaag oo la jarjaray ah, hilib lo'aad soo haray, ama digir si aad ugu yeesho borotiin iyo dhadhan dheeraad ah!
- Haddii aadan haysan waqti aad ku samayso goosaarta, goosaar uu dufanku ku yar yahay oo laga soo iibiyay dukaanka ayaa sidoo kale ku habboon!
Maaddooyinka