Macmacaanka laga sameeyo Bocorka Guduudan
Cun macmacaan aad u macaan oo u dabaaldeg dayrta adoo cunaaya macmacaan aad u wanaagsan oo leh dhadhanka khudaarta iyo kareemka macmacaanka.

Heerkulka: | IMA KHUSEEYO |
Tirada Dadka: | 1/2 koob |
Waqtiga diyaarinta: | 10 daqiiqo |
Waqtiga karinta: | IMA KHUSEEYO |
Wadarta waqtiga: | 10 daqiiqo |
Qalabka: | Baaquli weyn |
Maacuunta: | Qaaddada lagu walaaqo cuntada Koobka iyo qaaddooyinka cuntada lagu cabbiro |
Cunto karinta waxaa laga soo xigtay Oregon SNAP-Ed's Food Hero
Maaddooyinka
1 15 wiqiyadood oo bocor saafi ah oo gasacadaysan
1/8 qaaddo oo cusbo ah
2 qaaddo shaah oo xawaashka doolshe bocoreedka ah AMA 1 qaaddo shaah oo qorfe ah, 1/2 qaaddo shaah oo sinjibiil ah, 1/2 qaaddo shaah oo jaws ah
1 1/2 koob oo caano dufanku ku yar yahay ah
1 baakad (3.4 wiqiyood) oo isku darka macmacaanka laga sameeyo faniilada
8 oo ah buskutka burbura AMA 1 aado oo ah miraha granola
Tilmaamaha
- Kahor inta aadan hawsha bilaabin, dhaq gacmahaaga, sagxadaha, maacuunta, gasacadaha korkooda.
- baaquli wayn oo wax lagu qaso, isku darka bocorka jaallaha ah, cusbo, iuo xawaajiga laga sameeyo bocorka jaallaha ah.
- Si aayar ah u walaaq caanaha oo si fiican isku qas.
- Ku dar isku darka macmacaanka ah oo walaaq muddo 2 daqiiqo ah ilaa ay ka adkaanayso.
- Geli furinjiyeerka ilaa aad diyaar uga noqoto inaa cunto.
- Sii qof 1/2 oo buskut ah ama 2 qaado oo ah miraha granila halkii xadidba.
La Sifeeyay

Maxaa laga sameeyaa Korsaarta Bocorka?




