Badarka Macaan ee Lagu Guro Baaquliga
Ku bilow maalintaada cunto dhiraysan. Baaquligan badarka uu ka buuxo ayaad ka dherki kartaa subaxdii oo dhan.

Heerkulka: | Kulayl dhexdhexaad-sare ah |
Tirada Dadka: | Soo'ada oo Dhan |
Waqtiga diyaarinta: | 5 daqiiqo |
Waqtiga karinta: | 15 daqiiqo |
Wadarta waqtiga: | 20 daqiiqo |
Qalabka: | Baaquli dhexdhexaad ah Birtaabada cunto shiilida oo dhexdhexaad ah |
Maacuunta: | Qaaddada cuntada lagu walaaqo Koobka iyo qaaddooyinka cuntada lagu cabbiro |
Maaddooyinka
1/4 koob oo heed ama badar ah (galley la kala dhambalay, boorash miro-miro ah, kinwa, ama shaciir)
2 qaaddo oo farmaajada Parmesan ah lana hoolay
1 far iyo suul oo cusbo ah
1 far-iyo-suul oo filfil ah
Khudaar Goosaar ah:
1 qaaddo oo saliid saytuun ah AMA saliida cuntada ah, la kala qaybiyay
1/4 koob oo basal baar ah, la jarjaray (ikhtiyaari)
1 xabo oo toon qoyan ah, la kalaawiyay AMA 1 qaaddo oo toonta buddada ah
4 wiqiyadood oo boqoshaa ah, laba qaybood loo kala jaray
3 koob oo isbinaaj daray ah
1 ukun oo weyn
Tilmaamaha
- Kahor inta aadan hawsha bilaabin, dhaq gacmahaaga, sagxadaha, iyo cuntada.
- U kari iniinta si waafaqsan tilmaamaha xirmada. Ku walaaq farmaajada Parmesan. Ku dar far-iyo-suul millix ah iyo far-iyo-suul filfil ah.
- Adigoo adeegsanaya birtaabo dhexdhexaad ah, kululee 1/2 qaado saliid ah kuna dar basal cagaaran (haddii la isticmaalayo) oo kari ilaa inta basasha cagaaran ay ka bilowdo inay jilicdo, qiyaastii 2 daqiiqo. Ku dar toonta iyo boqoshaaga oo sii kari ilaa ay ka karto, ilaa 5 daqiiqo oo kale. Ku qas isbinaajka oo sii kari ilaa uu ka dharo, qiyaastii 1 daqiiqo oo kale. Qaado ku dhur khudaarta oo ku dul dar heeda la kariyey oo gees dhig si ay u iirto.
- Adigoo adeegsanaya isla birtaabada cunto shiilida, ku kululee saliida soo hartay oo ku shiil ukunta ilaa qaybta cad ay ka karto. Kula gur baaquli badarka.
Talooyinka
- Ku bilaabida maalintaada badar isqaba waa hab fiican oo aad ku dhergi karto subaxdii oo dhan oo kaa caawinaya inaad awood u yeelato waxqabashada maalintaada!
- Qaabkee ugu jeceshahay inaad u kariso ukunta? Isku day soo'adan adigoo u karinaya ukumaha qaabka aad ugu jeceshahay. Soo'adan sidoo kale waxay ku wanaagsan tahay ukumaha biyaha lagu kariyo ee la kala dhambalo.
- Isticmaal khudaarta aad haysato si aad isugu daydo inaad dhadhano kala duwan ugu yeesho cuntadan.
La Sifeeyay

Maxaa laga sameeyaa Badarka Macaan ee Lagu Guro Baaquliga?




