Kaluunka Salmon oo lagu dubay Ukun
Haa, waxaad cuntadaan kaluunka leh ku sameyn kartaa adoo dhowr isku dar oo kaliya isticmaalaya.

Heerkulka: | Dab dhexdhexaad ah |
Tirada Dadka: | 1 kuuskuus |
Waqtiga diyaarinta: | 15 daqiiqo |
Waqtiga karinta: | 12 daqiiqo |
Wadarta waqtiga: | 27 daqiiqo |
Qalabka: | Baaquli dhexdhexaad ah Birtaabada cunto shiilida oo weyn |
Maacuunta: | Qaaddada lagu walaaqo cuntada Koobka iyo qaaddooyinka cuntada lagu cabbiro |
Cunto karinta waxaa laga soo xigtay Oregon SNAP-Ed's Food Hero
Maaddooyinka
1 14.75 wiqiyood oo ah qasac salmoon ah, la miiray (oo leh ama aan lahayn lafo ama maqaar)
1 xabo oo ah rooti badar ka samaysan, loo kala jarjaray qaybo yaryar
1 qaaddo oo mayoneeys dufanku ku yahay
1 qaaddo oo biyaha liinta ah
2 ukun, in yar la garaacay
1 kabsar caleen oo dhexdhexaad ah, la jarjaray
1 karooto oo dhexdhexaad ah, la hoolay
1 basal oo dhexdhexaad ah, la jarjaray
1 qaaddo oo saliid saytuun ah AMA saliida cadeey ah
Tilmaamaha
- Kahor inta aadan hawsha bilaabin, dhaq gacmahaaga, sagxadaha, maacuunta, gasacadaha korkooda, miraha, iyo khudaarta.
- Adoo adeegsanaaya saxan dhexdhexaad ah, dhexda ka kala jar salmon-ka. Haddii salmon-ka kujira qasaca uu leeyahay lafo, ku burburiyo lafaha fargeeto ilaa baaba’ayaan. Iska saar maqaarka salmonka haddii aad sidaas rabto.
- Ku dar rooti yaryar, mayooniis fudud, biyo liin, ukuno, kansar caleen, kaarooto, iyo basal oo ku wada shub baaquli kadib si fiican iskugu qas.
- Si fiican isku dhexgeli in dhan 1/2 koob oo ah waxyaabaha aad isku qastay kadibna ka samee in ishaysata oo ah 1-inji, si aad u sameyso 5 xabo. Saar saxan.
- Ku karkari saliid birtaabada cunto shiilida ee weyn oo saar dab dhexdhexaad ah.
- Saar birtaabada cunto shiilida waxyaabaha aad isku riiqday oo kari ilaa midabkoodu noqdo dahabi baroown ah, dhinac kasta kari qiyaas ahaan 5 ilaa 7 daqiiqo.
Talooyinka
- Ma lahan salmon? Isticmaal tunada qasacadaysan ama mackerel baddelkeeda.
- Ma jiro salmon qasacadaysan? Isticmaal 1 ilaa 1½ koob oo salmon la kariyey.
- Isticmaal ¼ koob jajab rooti qallalan ama jajabyada buskudka halkii aad ka isticmaali lahayd rooti jarjaran.
- Ka samayso jajabyadaada rootiga ee gaarka ah rootiga baarixiga ah.
- Isku day khudaarta kale ee sida wanaagsan oo la jarjaray sida barbarooniga ama sujiiniga.
La Sifeeyay

Maxaa laga sameeyaa Salmon Patties?




