Khudaarta Duban
Cuntadaan la dubay ee dhadhanka miiran leh ayaa u noqon doonta cunto raacis u ah cunto kasta oo kale.
Heerkulka: | 425 darajo xaraareed |
Tirada Dadka: | 1 koob |
Waqtiga diyaarinta: | 5 daqiiqo |
Waqtiga karinta: | 30 daqiiqo |
Wadarta waqtiga: | 35 daqiiqo |
Qalabka: | Looxa cuntada lagu jarjaro Saxanka foornada Sufurka ama xaanshida cunto dubista ama xaanshida saloolka |
Maacuunta: | Mindi Qaaddooyinka cunto cabbirka |
Maaddooyinka
2 bocor oo dhexdhexaad ah (kuuso/sukiini ama bocorka jaallaha ah), loo kala jarjary 1/2 qayb
1 barbarooni cas ama cagaar ah, loo kala jarjaray gabalo 1/2-inji ah
1 basal, loo saafay si 1/2-inji ah
2 xabo oo toon qoyan ah, la kalaawiyay AMA 2 qaaddo oo toonta buddada ah
2 qaaddo oo saliid saytuun ah AMA saliida cuntada
1/2 qaaddo oo cusbo ah
1/4 qaaddo oo filfil ah
1/2 qaaddo oo geed adari ah (Ikhtiyaari)
1 qaaddo oo khalka madow ah (Ikhtiyaari)
Tilmaamaha
- Kahor inta aadan hawsha bilaabin, dhaq gacmahaaga, sagxadaha, iyo cuntada.
- Sii kululee foornada ilaa 425 darajo xaraareed.
- Saxanka foornada waxaad saartaa sufur ama xaanshida cunto dubista. Khudaarta ku ururi dhexda saxanka foornada. Ku dul daadi saliida khalka madow, haddii la isticmaalayo. Ku rushee toonta, milixda/cusbada, basbaaska, iyo geed adariga, haddii la isticmaalayo.
- Kawtan adigoo isticmaalaya qabatada ama gacmahaaga ilaa khudaarta ay ka gaarto isku-dhafka saliida. Ku faafi khudaarta hal lakab oo xaanshida saxanka dubista ah.
- Dub khudaarta muddo dhan 20-30 daqiiqo ama ilaa khudaarta ay ka jilicdo.
Maaddooyinka