Digir Cagaar Duban
Aad u fudud. Aad kuu qancin karta.. Khudaar cagaaran leh! Keliya saliid yar, milix, iyo waqti adigoo ku bixinaya, waxaad heli doontaa raacis dhadhan leh oo loogu talagalay cunto kasta.
Heerkulka: | 450 darajo xaraareed |
Tirada Dadka: | 1 koob |
Waqtiga diyaarinta: | 10 daqiiqo |
Waqtiga karinta: | 20 daqiiqo |
Wadarta waqtiga: | 30 daqiiqo |
Qalabka: | Looxa cuntada lagu jarjaro Saxanka foornada Sufur |
Maacuunta: | Mindi Koobka iyo qaaddooyinka cuntada lagu cabbiro Qabato ama 2 fargeeto |
Maaddooyinka
1 rodol oo digir cagaar daray ah, geesaha laga jaray
1 qaaddo oo saliid saytuun ah AMA saliida cuntada
1/2 qaaddo oo cusbo ah
1/8 qaaddo oo filfil ah
Soo-jeedinta Dhadhanka:
- Macaan oo dhadhan iyo caraf fiican leh: Ku dar jeexyo waaweyn oo basal cas ah digirta cagaaran marka aad foornada geliso. 10 daqiiqo ka dib, ku kawtan basasha iyo digirta cagaaran dhafdhaf ka samaysan 1 qaaddo oo malab ah, 1 qaaddo oo khal ah, 1/2 qaaddo reexaan oo la qalajiyay ama 1 qaaddo oo dharay cusub ah, iyo 1 qaaddo oo toon la kidfay ah. Dub muddo dhan 7-10 daqiiqo oo kale, ka bixi foornada, oo ku dul dar 1/3 koob oo jows ah ama lows kale ah.
- Sisinta Aasiya: Kadib markaad dubto 10-ka daqiiqo ee ugu horreeya, ka saar foornada digirta cagaaran oo ku kawtan dhafdhaf ka samaysan1 qaaddo oo toon la kidfay ah, 1/2 qaaddo oo sanjabiil la qalajiyay ah, 2 qaaddo oo malab ah ama miid, far-iyo-suul oo jafka basbaaska cas ah, iyo 4 qaaddo oo iniinta sisinta ah.
Tilmaamaha
- Kahor inta aadan hawsha bilaabin, dhaq gacmahaaga, sagxadaha, iyo cuntada.
- Sii kululee foornada ilaa 450 darajo xaraareed.
- Sufur ku dabool saxanka foornada. Saar digirta cagaaran dusha saxanka foornada, ku shuuxi saliid, oo ku rshee milix iyo filfil.
- Isticmaal qabato ama laba fargeeto si aad u kawtanto digirta cagaaran oo ku dul faafi hal lakab oo xaanshida saxanka foornada ah.
- Ku dub foornada ilaa 10 daqiiqo. Kawtan digirta cagaaran, ku faafi hal lakab oo xaanshida saxanka foornada ah oo dub 7-10 daqiiqo oo kale ama ilaa digirta ay ka bilawdo inay bunni ka noqoto.
La Sifeeyay