Haambeegarka Digirta Madow laga sameeyo
Barootiin macaan oo dhirta laga helo, haambeegarkaan digirta madoow laga sameeyo wuxuu keenaa in la cuno hilib yar lana cuno cunto badan oo lagu qanco.
Heerkulka: | Kul sarreeya |
Tirada Dadka: | 1 beegar |
Waqtiga diyaarinta: | 15 daqiiqo |
Waqtiga karinta: | 10 daqiiqo |
Wadarta waqtiga: | 25 daqiiqo |
Qalabka: | Baaquliga cuntada lagu qaso Birtaabada cunto shiilida oo weyn |
Maacuunta: | Fargeeto Qaaddada lagu walaaqo cuntada Koobka iyo qaaddooyinka cuntada lagu cabbiro |
Cunto karinta waxaa laga soo xigtay MyPlate.gov
Maaddooyinka
1 15.5 wiqiyadood oo digir madow ah oo aan cusbo lagu darin oo gasacadaysan, la miiray oo la biyo raaciyay
2 ukun oo waaweyn
1/2 koob oo bariis bunni ah, la kariyay
2 basashada cagaarka ah, la googooyay
2 qaado oo kabsae caleenta fireeshka ah
1 xabo oo toon qoyan ah, la kalaawiyay AMA 1 qaaddo oo toonta buddada ah
1/4 qaaddo oo sactar la qalajiyay ah
1/2 qaaddo oo cusbo ah
1/2 qaaddo oo filfil ah
1 qaaddo oo saliid saytuun ah AMA saliida cadeey ah
4 rootiga sareenka ka sameysan ah
Tilmaamaha
- Kahor inta aadan hawsha bilaabin, dhaq gacmahaaga, sagxadaha, maacuunta, gasacadaha korkooda, miraha, iyo khudaarta.
- Ku dar digirta baaquli oo ku burburi fargeeto ilaa digirta ay billoowdo inay burburto oo isku dhegto. Ku dar ukumaha oo si fiican isugu walaaq.
- Ku dar bariis horey loosoo kariyey, basasha cagaaran, kabsar caleen, toon, oregano, cusbo, iyo basbaaska madow oo isku walaaq ilaa si fiican iskugu qasmayaan.
- U kala qeybi isku dark 4 qaybood oo ka dhig qayb kasta 3/4 inji oo kabaab ah ilaa 1 inji in le’eg.
- Saar birtaabada cunto shiilida oo wayn foorno leh dab kulul. Marka birtaabada cunto shiilida ku kulaato, ku dar saliid. Ku dar baastada oo kari 4 ilaa 5 daqiiqo dhinac kasta ilaa inta ay baroown ka noqonayso marka la eego labada dhinacba oo si siman u kululee. Bixi rootiga sarreenka laga sameeyo.
Talooyinka
- Isticmaal galleyda duuban ee duugga ah, shaciirta la kariyey oo reebreebka ah, ama Panko si uu u noqdo beddelka bariiska la diyaariyey.
- Hambeegaradani waxay aad ugu fiican yihiin goosaarka hambeegarka aad ugu jeceshahay! Ku goosaaro suugada aad ugu jeceshahay iyo khudaarta sida ansalaatada, yaanyada, iyo basasha. Ku dar xoogaa farmaajo ah si aad maalintaada u hesho xoogaa caano ah.
La Sifeeyay