Sukiiniga Farmaajada Marsan ee Qaabka Qadaadiicda Leh
Isku day sukiinigan midabka dahabiga ah ee qaabka qadaadiicda leh si aad u hesho cunto beddel u ah Jibsi Faransiiska oo caafimaad leh.

Heerkulka: | 425 darajo xaraareed, kadibna xammis |
Tirada Dadka: | 3/4 koob |
Waqtiga diyaarinta: | 10 daqiiqo |
Waqtiga karinta: | 20 daqiiqo |
Wadarta waqtiga: | 30 daqiiqo |
Qalabka: | Saxanka foornada Xaanshida saloolka ama saliida cuntada ee birta lagu buufiyo Looxa cuntada lagu jarjaro Qabato (ikhtiyaari) |
Maacuunta: | Mindi Koobka iyo qaaddooyinka cuntada lagu cabbiro |
Maaddooyinka
Saliida cuntada ee birta lagu buufiyo
2 kuuso ama sukiini oo yaryar
1/4 koob oo farmaajada Parmesan ah
2 xabo oo toon qoyan ah, la kalaawiyay AMA 2 qaaddo oo toonta buddada ah
1 qaaddo oo saliid saytuun ah AMA saliida cuntada
1 qaaddo oo sactar la qalajiyay ah
1/2 qaaddo oo cusbo ah (ikhtiyaari)
1/4 qaaddo oo filfil ah
Tilmaamaha
- Kahor inta aadan hawsha bilaabin, dhaq gacmahaaga, sagxadaha, iyo cuntada.
- Sii kululee foornada oo gee 425 darajo xaraareed. Dulsaar saxanka foornada oo leh xaanshida saloolka ama ku buufi wax yar oo saliida cuntada ee birta lagu buufiyo.
- U jarjar kuusada ama sukiiniga qaabka qadaadiicda oo kale kadibna mar kale kala-bar si aad u samayso qaab nus dayax ah.
- Ku dar kuusada ama sukiiniga saxanka foornada. Isticmaal gacmahaaga ama qabatada si aad isugu walaaqdo saliid saytuunka, toonta buddada ah, sactarka, filfisha, iyo milixda (haddii la isticmaalayo).
- Ku kala fidi jeexyada sukiiniga ama kuusada dusha saxanka foornada adigoo adeegsanaya hal lakab oo ku rushee farmaajada Parmesan.
- Dub ilaa 15 daqiiqo.
- Beddel kulka foornada si aad u xammisto, oo dubi 4 daqiiqo oo kale, ama ilaa lakabyada kuusada ama sukiiniga ka noqonayaan midabka dahabiga.
La Sifeeyay

Maxaa laga sameeyaa Kuusada ama Sukiiniga Farmaajada Marsan ee Qaabka Qadaadiicda Leh?



