Karooto Lagu Shiilay Foornada
Dhadhan u yeel cuntadaada raaciska ah adigoo raacinaya karootada shiilan, ee lagu dhireeyay babriikaha la qiijiyay oo lagu lammaaniyay suugada lagu daardaarto ee dhadhanka fiican leh.

Heerkulka: | 425 darajo xaraareed |
Tirada Dadka: | 1/4 rodol oo karootada la shiilo ah iyo 1/4 koob oo suugo daardaarasho ah |
Waqtiga diyaarinta: | 10 daqiiqo |
Waqtiga karinta: | 25 daqiiqo |
Wadarta waqtiga: | 35 daqiiqo |
Qalabka: | Baaquli weyn Saxanka foornada Baaquli yar Sufur |
Maacuunta: | Mindi Qabato ama qaaddo yar si loogu rogo Koobka iyo qaaddooyinka cuntada lagu cabbiro |
Maaddooyinka
Loogu talagalay karootada la shiilo:
Saliida cuntada ee birta lagu buufiyo
1 rodol oo karooto ah
2 qaaddo oo saliid saytuun ah AMA saliida cuntada
2 qaaddo oo babariika ah
1 qaaddo oo cusbo ah
2 qaaddo oo filfil ah
Loogu talagalay Goosaarta Ciirta Giriiga iyo Basal Baarta ah:
1 koob oo ciir (cad ama faniila leh) oo dufanku ku yar yahay
1 qaaddo oo biyaha liinta ah
2 qaaddo oo basal baar ah AMA basasha cagaaran ah
1/4 qaaddo oo filfil ah
Tilmaamaha
- Kahor inta aadan hawsha bilaabin, dhaq gacmahaaga, sagxadaha, iyo cuntada.
- Sii kululee foornada ilaa 425 darajo xaraareed. Saar sufurka dusha saxanka foornada ee weyn. Ku buufi saliida cuntada ee birta lagu buufiyo.
- U jarjar karootada si le'eg ballaca xariga kabaha oo ku kawtan baaquli weyn oo ay ku jiraan saliid, babariika, cusbo, iyo basbaas.
- Saar karootada la shiilo dusha xaanshida saxanka foornada. Dub ilaa 20-25 daqiiqo, adigoo gedinaya marka waqtiga karinta kala-bar uu gaaro.
- Marka cuntadu karayso, ku rid ciirta Giriigga, biyaha liinta, basal baarta, iyo filfisha gudaha baaquli yar si aad uga samayso suugo lagu daardaarto. Si fiican isugu qas.
La Sifeeyay

Maxaa laga sameeyaa Karootada Lagu Shiilo Foornada?




