Muus Kuubaanka La Dubay ee Guran
Sida aad rabto ka dhigo cuntadan adigoo ku soo biirinaya miraha la qallajiyay ee aad rabto. Ku dar jababka shukulaatada ama ciirta la barafeeyay ee dufanku ku yar yahay si aad u hesho cunto gaar ah oo dheeraad ah.
Heerkulka: | 350 darajo xaraareed |
Tirada Dadka: | 1 xabo moos ah, la saafay |
Waqtiga diyaarinta: | 10 daqiiqo |
Waqtiga karinta: | 30 daqiiqo |
Wadarta waqtiga: | 40 daqiiqo |
Qalabka: | saxanka dubista ama saxaarada dubista ee 9x13-inji ah |
Maacuunta: | Mindi Koobka iyo qaaddooyinka cuntada lagu cabbiro |
Maaddooyinka
Saliida cuntada ee birta lagu buufiyo
6 xabo muus ah, loo saafay dherer ahaan
4 qaaddo oo sonkor aan la sifayn ah
3 qaado oo margariin ah, la yaryareeyay
1/2 koob oo sabiib ah AMA miro kale oo la qalajiyay ag, la jarjaray
1/ 3 qaaddo oo jows Ameerikaan ah, la kala dhambalay (Ikhtiyaari)
Tilmaamaha
- Kahor inta aadan hawsha bilaabin, dhaq gacmahaaga, sagxadaha, iyo maacuunta.
- Si khafiif ah ugu buufi saliida cuntada ee birta lagu buufiyo saxanka dubista ama saxanka doolshada ee 9x13-injiga ah.
- Ku diyaari muuska la kala dhambalay saxanka ama xaashida dubista ee la diyaariyay.
- Si siman korka uga dar sonkorta qasabka, gabalo yaryar oo maargariin ah, sabiib, iyo jows Ameerikaan, haddii la isticmaalayo.
- Ku dub 350 darajo xaraareed muddo dhan 30 daqiiqo.
Talooyinka
- Raadi miraha la qalajiyay iyo lowsaska isku qasan si aad ugu darto markaad dubayso!
- Si aad uga samayso macmacaan aad u wanaagsan, ku dul dar muuska 1/4 koob oo jababka shukulaatada ah markaad dubayso! Ama isla gur muuska iyo ciirka dufanku ku yar yahay oo la qaboojiyay si aad uga dhigto macmacaan barafaysan iyo muus dhambalan oo macaan.
Maaddooyinka