Baasto Leh Hilib Digaag iyo Maraq oo Lagu
Kariyo Dheriga Ku Shaqeeya Korontada
Baastada leh hilib digaaga iyo maraqa waa mid caalami ah. Cuntadan nafiska leh ee caadiga ah waxay ka kooban tahay maaddooyin fudud, nafaqo leh oo la tijaabiyay oo la hubo.
Heerkulka: | Ku kari kul sare 3-4 saac AMA Kul hoose 6-8 saac |
Tirada Dadka: | 1 1/2 koob |
Waqtiga diyaarinta: | 5 daqiiqo |
Waqtiga karinta: | 3-4 saac oo kul sarreeya ah, 6-8 saac oo kul hooseeya ah |
Wadarta waqtiga: | 3-4 saac, AMA 6-8 saac |
Qalabka: | Digsiga gaabiska cuntada u kariya |
Maacuunta: | Fargeeto Koobka iyo qaaddooyinka cuntada lagu cabbiro |
Maaddooyinka
1 rodol oo shaf digaag aan laf iyo maqaar toona lahayn
3 xabo oo abbuulka seleriga ah, la saafay
4 karooto, la diiray lana hoolay
1 basal oo dhexdhexaad ah, la googooyay
2 xabo oo toon qoyan ah, la kalaawiyay AMA 2 qaaddo oo toon la buddeeyay ah
1 qaaddo oo reexaan daray ah AMA 1/2 qaaddo oo reexaan la qallajiyay ah
1 qaaddo oo geedgaab daray ah AMA 1/2 qaaddo oo geedgaab la qallajiyay ah
1 qaaddo oo filfil ah
3/4 qaaddo oo cusbo ah (ikhtiyaari)
8 koob oo maraq digaag dufan aan lahayn ah
8 wiqiyadood oo baasto dhaadheer ukun leh
Tilmaamaha
- Kahor inta aadan hawsha bilaabin, dhaq gacmahaaga, sagxadaha, maacuunta, gasacadaha korkooda, miraha, iyo khudaarta.
- Ku dar hilib digaaga, seleriga, karootada, basasha, toonta, milixda, geedgaabka, iyo filfisha ee kariyaha gudaha digsiga gaabiska cuntada u kariya.
- Ku rid hilib digaaga.
- Ku kari kul sarreeya 3-4 saac ama kul hooseeya 6-8 saac.
- Inta lagu guda jiro 15 daqiiqo ee ugu dambeysa, ka bixi hilibka shaf digaaga. Ku fir fargeeto.
- Dhadhami maraqa, ku dar cusbo haddii loo baahdo. Ku dar hilib digaaga la firay iyo baastada ukunta leh, kadibna isku wada dar. Saar dabool oo kari 15-ka daqiiqo ee ugu dambeeya.
Talooyinka
- Haddii aadan baasto ukun leh aadan ku haysan armaajada cuntada aad cuntadani si fiican ayay ugu dhadhantaa nooc kasta oo baasto dhexdhexaad ah ama weyn!
- Ma kuu yaalo miyaa maraq digaag? Waxaad ku beddeli kartaa maraqa hilib digaaga.
La Sifeeyay