Garruunjaha Qallafsan ee Jiiska Leh
Lagu dubo foornada laguna diyaarin karo 20 daqiiqo gudaheeda, ugu raaxayso cuntadaan qallafsan, xorshoshka ah cuntada raaciska ah ama af-bilawga ugu fiican ahaan.

Heerkulka: | 400 darajo xaraareed |
Tirada Dadka: | 1 koob |
Waqtiga diyaarinta: | 10 daqiiqo |
Waqtiga karinta: | 10 daqiiqo |
Wadarta waqtiga: | 20 daqiiqo |
Qalabka: | Looxa cuntada lagu jarjaro Saxanka foornada |
Maacuunta: | Mindi Koobka iyo qaaddooyinka cuntada lagu cabbiro Qabato ama laba fargeeto oo lagu kawtano |
Maaddooyinka
Saliida cuntada ee birta lagu buufiyo
2 madax oo garruunje ah, gabalo la cuni karo laga dhigay
1/2 koob oo rooti la burburiyay
1/2 koob oo farmaajada Parmesan ah
1 xabo oo toon qoyan ah, la kalaawiyay AMA 1 qaaddo oo toonta buddada ah
2 qaaddo oo saliid saytuun ah AMA saliida cuntada
Tilmaamaha
- Kahor inta aadan hawsha bilaabin, dhaq gacmahaaga, sagxadaha, iyo cuntada.
- Sii kululee foornada ilaa 400 darajo xaraareed.
- Ku buufi saxanka foornada saliida birta lagu buufiyo.
- Ku rid garruunjahala jarjaray saxanka foornada. Ku shuuxi saliid oo ku kawtan toonta buddada ah, rootiga burbursan, iyo farmaajada Parmesan.
- Saar saxanka foornada oo dubi muddo 18-20 daqiiqo ah, adigoo kawtamaya marka kalabarka waqtiga dubista la marayo.
La Sifeeyay

Maxaa laga sameeyaa Garruunjaha Qallafsan ee Jiiska Leh?



