Tufaxa iyo Ciirta Qababaca Leh
Tufaaxan iyo ciirta qababaca leh ee ku jira baaquliga waa sida adigoo quraac ka dhiganaya doolshe tufaaxeed, oo aan qolof lahayn.
Heerkulka: | IMA KHUSEEYO |
Tirada Dadka: | kala-bar cuntada |
Waqtiga diyaarinta: | 5 daqiiqo |
Waqtiga karinta: | IMA KHUSEEYO |
Wadarta waqtiga: | 5 daqiiqo |
Qalabka: | Looxa cuntada lagu jarjaro Baaquli dhexdhexaad ah |
Maacuunta: | Mindi Koobka iyo qaaddooyinka cuntada lagu cabbiro |
Maaddooyinka
1 tufaax, la diiray oo la jarjaray/googooyay
1 koob oo ciirta faniilaha leh oo dufanku ku yar yahay
1 qaaddo oo qorfe buddo ah
1/4 koob oo garanoola ah oo wadata miro iyo lows la qallajiyay
Tilmaamaha
- Kahor inta aadan hawsha bilaabin, dhaq gacmahaaga, sagxadaha, miraha, iyo maacuunta.
- Ku qas ciirta iyo qorfaha baaquli dhexdhexaad ah. Ku dar tufaaxa oo walaaq si aad u dahaarto.
- U kala qeybi isku-dhafka tufaaxa leh labo baaquli oo ku kor dar garanoolaha.
Maaddooyinka