Kabash fudud oo la Hagaajiyay
Dhirayntan wanaagsan oo sida jamashada leh geesaha ugu qallafsan ayaa u qalmo wow oo jeebkana u habboon.
Heerkulka: | 400 darajo xaraareed |
Tirada Dadka: | Qiyaastii 1/8 oo ah madaxa kaabajka la diyaariyey |
Waqtiga diyaarinta: | 5 daqiiqo |
Waqtiga karinta: | 30 daqiiqo |
Wadarta waqtiga: | 35 daqiiqo |
Qalabka: | Saxanka foornada Sufur Baaquli yar |
Maacuunta: | Mindi weyn Fargeetada lagu walaaqayo Qabato ama Qaaddo yar Koobka iyo qaaddooyinka cuntada lagu cabbiro |
Maaddooyinka
1 madax oo kaabash ah
1/4 qaaddo saliid saytuun ah AMA saliida cuntada ah
4 xabo oo toon qoyan ah, la kalaawiyay AMA 4 qaaddo oo toonta buddada ah
3/4 qaaddo oo babariika ah
1 1/2 qaaddo oo basal buddo ah
1/2 qaado oo banbanooniga cassaanka ah AMA basbaas qaji (ikhtiyaari)
1/8 qaaddo oo cusbo ah
1/2 koob oo farmaajada Parmesan ah
2 1/2 qaaddo oo biyaha liinta ah (qiyaastii 1 liin ah) (ikhtiyaari)
Tilmaamaha
- Kahor inta aadan hawsha bilaabin, dhaq gacmahaaga, sagxadaha, iyo cuntada.
- Sii kululee foornada ilaa 400 darajo xaraareed. Saxanka foornada oo lagu duubay xaashida alimuuniyaamka.
- Dabada ka jar madaxa kabashka. Si jeexjeex ah u jar kabashada adoo dhexda ka jaraaya. Jeex kasta si siman adoo ka dhigaaya 4 jeex oo siman guud ahaana noqonaysa 8 jeex guud ahaan.
- Adoo isticmaalaya baaquli yar, isku walaaq saliida, toonta, basbaaska paprika, budada basasha, iyo banbanooniga cas/basbaas qajiga (haddii aad isticmaalayso), iyo farmaajada Parmesan. Dhig kabashka geesaha saxanka foornada oo qaado ku qaad isku darka farmaajada adoo ku shubaaya geesaha saxanka.
- Dub muddo 20 daqiiqo ah kadib rog geesaha. Dub 10-15 daqiiqo oo kale ama ilaa geesuhu dahabi noqonayaan. Ku gabagabee adoo ku firdhinaaya biyaha liinta (haddii aad isticmaalayso) kahor inta aadan cunin.
La Sifeeyay