Digirta Cagaaran & Baradhada ee Kareemka Leh
Cuntadaan raaciska ah ee nafaqada ka buuxdo laguna qanci karo waxay noqon kartaa mid fudud marka lagu daro caanaha dufanka leh.
Heerkulka: | Dab dhexdhexaad ah |
Tirada Dadka: | 1/2 koob |
Waqtiga diyaarinta: | 30 daqiiqo |
Waqtiga karinta: | 20 daqiiqo |
Wadarta waqtiga: | 50 daqiiqo |
Qalabka: | Digsiga maraqa oo weyn |
Maacuunta: | Qaaddada cuntada lagu walaaqo Koobka iyo qaaddooyinka cuntada lagu cabbiro |
Maaddooyinka
2 koob oo digir cagaar barafaysan ah
2 qaaddo oo saliid saytuun ah AMA saliida cuntada
1 qaado oo warangada galleyda
1/4 qaaddo oo geed adari la qallajiyay ah
1/4 qaaddo oo geedgaab la qallajiyay ah
1/4 qaaddo oo cusbo ah
1/8 qaaddo oo filfil ah
1 koob oo caano dufanku ku yar yihiin ah
1/2 koob oo boqoshaa ah, la saafay
2 koob oo baradho yaryar ah, la dubay oo afar gabal loo kala jaray
Tilmaamaha
- Kahor inta aadan hawsha bilaabin, dhaq gacmahaaga, sagxadaha, cuntada, iyo maacuunta.
- U kari digir cagaarta barafaysan si waafaqsan tilmaamaha xirmada. Dabka ka qaad.
- Ku karkari saliida digsiga maraqa ee weyn adigoo saaraya dab dhexdhexaad ah, ku walaaq warangada galleyda ilaa ay si siman isugu qasanto saddex ilaa afar daqiiqo.
- Si tartiib ah ugu dar geed adariga, geedgaabka, milixda, basbaaska, caanaha, iyo boqoshaaga adigoo u walaaqaya si joogto ah ilaa inta isku-dhafku ka adkaado, qiyaastiii shan daqiiqo.
- Ku dar digirta cagaaran iyo baradhada oo walaaq ilaa ay ka wada kululaanayaan, oo boqoshaagu si buuxda uga karayo.
Talooyinka
- Haddii aysan ku jirin warangada galleyda ah armaajada cuntadaada, isku day inaad beddelkeeda isticmaasho 2 qaaddo oo bur ah!
Maaddooyinka