Maraqa Bariiska iyo Hilibka Digaaga Leh
Marka aad u baahan tahay baaquli ay ku jirto cunto diirran oo raaxo leh, meel fog ha ka raadin. Dhadhanka cunto leedahay oo dhan oo ku wada jiro cuntadaan guriga lagu sameeyay iyadoo hawl badan kaa rabin.
Heerkulka: | Kulayl sarreeya, kulayl la gaabiyo oo laga dhigo mid dhexdhexaad ah |
Tirada Dadka: | 1 1/2 koob |
Waqtiga diyaarinta: | 10 daqiiqo |
Waqtiga karinta: | 40 daqiiqo |
Wadarta waqtiga: | 50 daqiiqo |
Qalabka: | Looxa cuntada lagu jarjaro Dheri weyn oo dabool leh |
Maacuunta: | Mindi Koobka iyo qaaddooyinka cuntada lagu cabbiro |
Maaddooyinka
6 koob oo fuud digaageed ah oo cusbadu ku yar tahay
1 koob oo hilib digaag ah, la kariyay oo gabal-gabal loo jarjaray
1 koob oo bariis bunni ah
1 3/4 koob oo khudaar daray ah (sida: baradhada, karootada, seleriga, kabaajka, iwm.), la jarjaray AMA 1 12 wiqiyadood oo baakad khudaar isku dhafan ah oo la barafeeyay
1 xabo oo toon qoyan ah, la kalaawiyay AMA 1 qaaddo oo toonta buddada ah
1/4 qaaddo oo filfil ah
1/4 qaaddo oo cusbo ah (ikhtiyaari)
1 qaaddo oo baqdoonis la qalajiyay ah
Tilmaamaha
- Kahor inta aadan hawsha bilaabin, dhaq gacmahaaga, sagxadaha, khudaarta, iyo maacuunta.
- Ku rid hilib digaaga la kariyay, fuudka, iyo bariiska aan la karinin dheri weyn oo saaran dab kulaylkiisu sarreyo. Karkari.
- U gaabid abka, dabool digsiga, oo iiri ilaa 15 daqiiqo.
- Ku dar khudaarta la jarjaray iyo xawaashyadaa oo iiri muddo dhan 10 ilaa 15 daqiiqo ilaa khudaartu ka jilicdo.
Maaddooyinka