Shakshuuko Garruunje iyo Farmaajo Leh
Quraacda |
Aan Lahayn Gulutiin |
Loogu Talagalay Ilmaha |
Cuntooyinka Ugu Muhiimsan |
Dedeg ah oo Fudud |
Khudaar-cune |
Ku Habboon WIC |
Aan Lahayn Lows |
Hal-ilaa-Labo Nafar ama Qof
Shakshuukadaan laga dhergi karo waxaa ka buuxa dhadhan iyo khudaar—waxa kaliya ee aad u baahan tahay waa shan maaddo iyo shan iyo toban daqiiqo.
1
Tirada Nafarada
15 daqiiqo
Wadarta Waqtiga
$1.02
Qiimaha Nafar Walba*
Heerkulka: | |
Tirada Dadka: | Soo'ada oo Dhan |
Waqtiga diyaarinta: | 5 daqiiqo |
Waqtiga karinta: | 10 daqiiqo |
Wadarta waqtiga: | 15 daqiiqo |
Qalabka: | Baaquli yar Birtaabada cunto shiilida oo dhexdhexaad ah Daboolka digsiga |
Maacuunta: | Xurbin ama fargeeto Koobka iyo qaaddooyinka cuntada lagu cabbiro |
* Qiimaha iyo helitaanka maaddooyinka cuntada way kala duwanaan karaan marka loo eego gobollada kala duwan ee Ohio. Macluumaadka qiimaha nafar kasta waa in loo isticmaalo hagis guud ahaan marka la tixgelinayo kharashka cuntada.
Maaddooyinka
2 ukun oo waaweyn
1/4 koob oo farmaajada Parmesan ah
1 qaaddo oo saliid saytuun ah AMA saliida cadeey ah
1/2 qaaddo oo garruunje ah, la jarjaray
1 basal baar, si fiican loo jarjaray (ikhtiyaari)
Tilmaamaha
- Kahor inta aadan hawsha bilaabin, dhaq gacmahaaga, sagxadaha, iyo cuntada.
- Isku xurbi ama qas ukun iyo farmaajada Parmesan adigoo adeegsanaya baaquli yar.
- Ku kululee saliida birtaabada cunto shiilida ee cuntada ku dhegin oo dhexdhexaad ah, adigoo adeegsanaya kul dhexdhexaad ah. Ku dar garruunjaha iyo basal baarta (haddii la isticmaalaayo); kari, si joogta ah u walaaq, ilaa ay ka jilicdo, qiyaastii 5 daqiiqo. Ku shub ukunta digsiga, adigoon walaaqin. Saar dabool digsiga oo kari ilaa ukunta ka degayso, qiyaastii 3 ilaa 4 daqiiqo.
Soo'ada laga soo Xigtay Share our Strength's Cooking Matters.
Talooyinka
- Cuntadaani waxay ku fiican tahay noocyada khudaarta oo dha sida boqoshaaga, basasha, filfisha ama wax kasta oo aad haysato.
- Shakshuukada waa quraac borootiin ka buuxo, waana hab fiican oo aad maalintaada si xooggan ugu bilaabi karto.
Maadooyinka
La Sifeeyay
La Sifeeyay
Maxaa laga sameeyaa Shakshuukada Garruunjaha iyo Farmaajada Leh?
Garruunje
Basasha cagaaran/basal baarta
Ukumo
Farmaajada Parmesan
Macluumaadka Nafaqada(Nafar Kasta)
KALORIYADA
320
WADARTA DUFANKA
22g
CUSBADA
590mg
WADARTA KARBOHAYDARAYDHKA
8g
BOROTIINKA
21g