Baankeega lagu daro Farmaajada Cad
Ma ahan oo keliya in farmaajada cad ay ka dhigto baankeegaan mid xoogaa qalafsan, waxay sidoo kale ku dartaa borotiin dheeraad ah.

Heerkulka: | Kuleyl dhexdhexaad-sarreeya ah, Kuleyl dhexdhexaad-hoose ah |
Tirada Dadka: | 2 xabo oo bur shubaal ah |
Waqtiga diyaarinta: | 10 daqiiqo |
Waqtiga karinta: | 5 daqiiqo |
Wadarta waqtiga: | 15 daqiiqo |
Qalabka: | Baaquli dhexdhexaad ah Baaquli weyn Birtaabada cunto shiilida |
Maacuunta: | 2 qaado oo lagu walaaqo cuntada Malgacada ama koobka wax lagu cabbiro Qaadada rogida Koobka iyo qaaddooyinka cuntada lagu cabbiro |
Maaddooyinka
2 ukun oo waaweyn
3/4 koob farmaajo la firay ah oo dufanku ku yar tahay oo 2% ah
1/2 koob oo caano dufanku ku yar yihiin ah
1 koob oo bur ka samaysan heed ama sarreen
1 qaaddo oo bakin soodha ah
2 qaaddo oo sonkor ah
1 1/2 qaaddo oo qorfe ah
12 wiqiyood oo ah baluubeeri la barafeeyay, barafka laga riday (ayadoo la adeegsanaayo dareere)
Saliida cuntada ee birta lagu buufiyo
Tilmaamaha
- Kahor inta aadan hawsha bilaabin, dhaq gacmahaaga, sagxadaha, iyo miraha.
- Adoo isticmaalata baaquli dhexdhexaad ah, isku qas ukunta, farmaajada casd, iyo caano.
- Adigoo adeegsanaya baaquli wayn oo kale, isku walaaq burka, qorfaha, iyo bakin soodhada iyo sonkorta. Burka aad qaseyso ku dar ukun. Walaaq ilaa qayb kasta qoyayso burka wada riiqmaayo. Haka badin qasitaanka.
- Si aayar ah ugu qas baluubeeri adoo adeegsanaaya dareeraha biyaha ah.
- Si degan ah ugu buufi birtaabada dubista saliida cuntada ee birta lagu buufiyo. Xoogaa dabka badi oo ka dhig mid dhexdhexaad sare ah. Adigoo isticmaalaya malgacad ama koob cabbir oo il leh, ku shub 1/4 koob oo cajiin ah digsiga shiilida ee canjeelo kasta. Kari 3-4 daqiiqo ama ilaa ay dulduleelo ka soo baxaan canjeelada dusheeda, oo geesahana ay u muuqdaan kuwo si khafiif ah loo kariyey. Rog baankeega.
- Yaree kulaylka oo ka dhig heer dhexe oo hooseeya. Kari 3 daqiiqo dheeraad ah ama ilaa dhinaca kale ee canjeelada uu eekado buni dahabi ah oo dhammaanteed la kariyey. Ku celceli tallaabooyinka 4aad iyo 5aad si aad u samayso canjeero badan adigoo isticmaalaya cajiinka soo haray.
Talooyinka
- Canjeerada la kariyey ayaa si fiican u qaboobi karto! Ku keydi bacda sinyeerka leh ama weel hawadu geli karin muddo ilaa 2 bil ah. Ku dhalaali kululeeyaha muddo 2-3 daqiiqo ah ama ilaa la diiriyo oo diyaar u noqdo in la cuno.
La Sifeeyay

Maxaa laga sameeyaa Canjeelada Laga Habeeyay Farmaajada Buluubeeriga?




