Hilib Digaaga Xaleefta ah ee La Dubo
Shafka hilib digaaga ee caatada ah ee qallafsan oo loo dubay si kaamil ah. Keliya ma ahan mid caafimaad leh oo macaan, sidoo kale waa madadaalo mid ku xiiso gelinaysa!
Heerkulka: | 425 darajo xaraareed |
Tirada Dadka: | ½ hilib digaag ah iyo khudaar isku dhafan |
Waqtiga diyaarinta: | 15 daqiiqo |
Waqtiga karinta: | 45 daqiiqo |
Wadarta waqtiga: | 1 saac |
Qalabka: | Looxa cuntada lagu jarjaro Saxanka foornada 2 Baaquli oo dhexdhexaad ah |
Maacuunta: | Mindi Qabato Qaaddooyinka cunto cabbirka |
Maaddooyinka
Saliida cuntada ee birta lagu buufiyo
3 koob oo baradho ah, la jarjaray
1 rodol oo digir cagaar daray ah, geesaha laga jaray
1 qaaddo oo saliid saytuun ah AMA saliida cuntada
3 xabo oo toon qoyan ah, la kalaawiyay AMA 1 qaaddo oo toon buddo ah
1/2 qaaddo oo cusbo ah (ikhtiyaari)
1/8 qaaddo oo filfil ah
1 rodol oo shafka hilib digaaga aan lafaha iyo maqaarka toona lahayn, loo jarjaray xaleef ahaan oo aan ka dhumuc weynayn 2 inji
1 ukun
3/4 koob oo rooti burbursan ah oo la dhireeyay AMA 3/4 koob oo rootiga burbursan ah, lagu qasay 1/2 qaaddo xawaaji Talyaani ah
Tilmaamaha
- Kahor inta aadan hawsha bilaabin, dhaq gacmahaaga, sagxadaha, khudaarta, iyo maacuunta.
- Sii kululee foornada oo gee 425 darajo xaraareed.
- Ku buufi saxanka foornada ee saliida birta lagu buufiyo.
- Adigoo adeegsanaya saxanka foornada, ku kalaawi baradhada saliid saytuun ama saliid cadeey, toonta buddada ah, milixda (haddii la isticmaalayo) iyo basbaaska.
- Ku kala fidi daradhada hal saxan oo dhinac u dhig.
- U samee hilib digaagaaga "goob isku qasid"--waxaad tallaabadan u isticmaali doontaa 2 baaquli oo dhexdhexaad ah:
- Jebi ukunta oo ku shub baaquli yar oo fargeeto ku garaac ama qas.
- Ku rid jababka kale ee rootiga burbursan baaquli dhexdhexaad ah oo kale oo ku xiga ukunta.
- Quusi gabalka ugu horreeya ee hilib digaaga gudaha ukunta, ha ka tifiqdo ukunta dheeraadka ah, kadibna ku caddaadi ama riix rootiga burbursan ilaa ay wax yar iyo si siman isku qabsadaan. Ka digtoonow inaad daahaarka ku badiso haddii kale ma noqon doonto mid qallafsan. Saar hilib digaaga dusha saxanka foornada ay saaran tahay baradhada oo ku celi ilaa hilib digaaga oo dhan uu ka wada qabsanayo. Dhaq gacmahaaga marka aad dhammayso quusinta ukunta.
- Dub hilib digaaga iyo baradhada ilaa 30 daqiiqo.
- Ka soo bixi saxanka foornada gudaha foornada, u rog gabalada hilib digaaga ah dhanaca kale.
- Saar digirta cagaaran baradhada dusheeda, isugu qas si fiican adigoo adeegsanaya qabatada ama qaaddooyinka cuntada lagu guro, kuna fidi hal lakab.
- Waxaad saxanka foornada dib u saartaa foornada oo dub 15 daqiiqo oo dheeraad ah ilaa hilib digaaga ka karayo oo heerkulka gudaha ka gaarayo 165 darajo xaraareed baradhaduna si fudud fargeeto u geli karto.
Talooyinka
- Ma kuu taalo miyaa digir cagaar daray ah? Isku day inaad isticmaasho digirta cagaaran ee la qaboojiyay ama qasacadaysan, adigoo saxaya waqtiga karinta marka loo baahdo.
- Rootiga burbursan ee Panko kuma habboona cuntadan. Isticmaal rooti Talyaaniga burbursan oo keliya.
La Sifeeyay