Doolshada Boorashta iyo Tufaaxa Leh ee Guran
Doolshooyinkan macaan ayaa dhadhan calooshaada ka buuxin doona, gurigaaguna carafta udgoon ee tufaaxa iyo qorfaha la dubay.

Heerkulka: | 400 darajo xaraareed |
Tirada Dadka: | 1 doolshe |
Waqtiga diyaarinta: | 15 daqiiqo |
Waqtiga karinta: | 15 daqiiqo |
Wadarta waqtiga: | 30 daqiiqo |
Qalabka: | Looxa cuntada lagu jarjaro Furka doolshada Baaquli weyn Istakiin ama findhicil |
Maacuunta: | Mindi Koobka iyo qaaddooyinka cuntada lagu cabbiro Qaaddada Cuntada Lagu Walaaqo |
Maaddooyinka
Saliida cuntada ee birta lagu buufiyo
1/2 koob oo caano dufanku ku yar yihiin ah
1/3 koob oo goosaarta tufaaxa ah oo aan la macaanayn AMA 1 ukun
1/2 koob oo bur cad ahh AMA bur badar ka samaysan
1/2 koob oo boorashta sida dhakhsada ah u karta
1/4 koob oo sonkor ah
1/2 qaaddo oo leebito ah
1 qaaddo oo qorfe buddo ah
1 tufaax, la diiray oo la jarjaray/googooyay
Tilmaamaha
- Kahor inta aadan hawsha bilaabin, dhaq gacmahaaga, sagxadaha, miraha, iyo maacuunta.
- Sii kululee foornada ilaa 400 darajo xaraareed.
- Ku buufi 7 koob oo furka doolshada ah saliida cuntada ee birta lagu buufiyo.
- Adigoo adeegsanaya baaquli weyn isku walaaq caanaha iyo goosaarta tufaaxa ama ukunta.
- Ku dar burka, boorashka, sonkorta, leebitada, iyo qorfaha. Isku walaaq ilaa inta ay isku qasmayaan.
- Si tartiib ah ugu walaaq tufaaxa la jarjaray.
- Si siman qaado ugu dhur cajiinka 7-da koob doosheed.
- Dub ilaa 15-20 daqiiqo ama ilaa istakiinka aad gelisay dhexda doolshada uu ka soo baxo isagoo nadiif ah.
La Sifeeyay

Maxaa laga sameeyaa Doolshada Boorashta iyo Tufaaxa Leh?




