Cunto La dubay oo Fudud oo laga sameeyo Ukunta
Maadaama cuntada fudud ee laga sameeyo ukunta wax looga badeli karo qaabab badan, caqabadaha la xariiray waxyaabaha lagu quraacdo waa laga soo gudbay.
Heerkulka: | 375 darajo xaraareed |
Tirada Dadka: | 2 nafaqo ukumeed |
Waqtiga diyaarinta: | 10 daqiiqo |
Waqtiga karinta: | 18 daqiiqo |
Wadarta waqtiga: | 28 daqiiqo |
Qalabka: | Furka doolshada Baaquliga cuntada lagu qaso oo dhexdhexaad ah |
Maacuunta: | Fargeeto Qaado ama mindida subagga Koobka iyo qaaddooyinka cuntada lagu cabbiro |
Maaddooyinka
Saliida cuntada ee birta lagu buufiyo
1/2 koob farmaajo la firay ah oo dufanku ku yar tahay oo 2% ah
10 ukun oo waaweyn
1/2 qaado oo cusbo ah
1/4 qaado oo filfil ah
In dhan 1.5 koob oo ah waxyaabaha cuntada dusha looga daro oo la jarjaray ama la burburiyay:
- Isbiineej, maashroom, iyo farmaajada mozzarella, [1 koob oo ah isbiineej fireesh ah, 1/2 koob oo ah maashroom, 1/3 koob oo ah farmaajada mozzarella]
- Cagaarka Barankooliga iyo farmaajada cad [1 koob oo ah barankooli, 1/2 oo ah basal, 1/3 koob oo ah farmaajada cad]
- Yaanyo, banbanooni, basal, farmaajo [1 xabo oo ah yaanyada Roma, 1 banbanooni, 1/2 basal, 1/3 ah farmaajada cad oo la shiiday]
- Yaanyo, artichoke, iyo feta [1 xabo oo ah yaanyada Roma, 1/2 basal, 7 wiqiyadood oo ah artichoke wadnaha u eg lana miiray, 1/3 koob oo ah farmaajada feta]
Tilmaamaha
- Kahor inta aadan hawsha bilaabin, dhaq gacmahaaga, sagxadaha, maacuunta, gasacadaha korkooda, iyo cuntada.
- Sii kululee foornada oo gee 375 darajo xaraareed. Diyaar saxanka Doolshaha adoo ku buufinaaya saliida lagu buuxiyo saxanka foornada.
- Ku dar 3 qaado oo waawayn oo ah waxyaabaha korka looga daro koob kasta oo doolshe ilaa inta koobku ka buufsamaayo.
- Ku dar farmaajada cad baaquli dhexdhexaad ah oo ah kan wax lagu qaso. Ku burburi fargeeto ilaa inta jiisku jilcaayo. Ku dar ukumo, cusbo, iyo filfil baaquliga farmaajada cad ku kujirto. Walaaq adoo isticmaalaya fargeeto ilaa waxyaabaha aad isku qaseyso ka jilcayaan.
- Ku shub ukunta aad isku qastay koob kasta oo oo uu kujiro burka doolshaha ilaa inta koob kasta ka buuxsamaayo.
- Dub doolshaha ukunta leh muddo 20-23 daqiiqo ah, ama ilaa qaybaha dhexe u ekaanayaan kuwo diyaar ah, geesuhuna dahabi noqonayaan. Dubitaanka haka badin hadii kale doolshuhu wuxuu noqon doonaa mid adag.
- Meel dhig doolshaha si uu u qaboobo muddo 10 daqiiqo ah ama ilaa inta uu kuleylku ka baaba’aayo lana taaban karo. Adoo isticmaalaya qaadada fidsan ama mindida ismariska loo adeegsado geesaha doolshaha ukunta wax mari si doolshuhu u jilco. Saar saxan ama weel fidsan si uu u qaboobo. Inta soo harta geli furinjiyeer ilaa muddo dhan 3-4 maalmood.
Talooyinka
- Marka ukunta la karinayo, heerkulka gudaha waa inuu noqdaa 165 darajo ama ka badan.
- Cuntadani waxay si fiican u shaqeysaa marka aysan lahayn shiide laakiin waxaa laga yaabaa inay yeelato qaybo yaryar oo farmaajo ku dhagan ah oo lagu dhex kariyey ukunta! Si aad u hesho nafaqo ukun oo jilicsan, ku qas farmaajada xinjirta leh shiidaha ilaa ay jileec ka noqdaan ka hor intaadan ku darin.
- Doolshooyinka ukuntan waxay ku fiican yihiin wax kasta in lagu darsado! Samee hal-abuur oo ku rid khudaarta aad jeceshahay ama hilibka quraacda ee caatada ah iyo waxyaabaha laga buuxiyo guudaha doolshadaan!
- Doolshooyinkani si fiican ayey u qaboobaan, ku dhex qabooji weel aan hawadu gelin ama bac sinyeeri leh muddo ilaa 2 bilood ah. Si aad u dhalaaliso, ku dhaaf firinjeerka dhowr saacadood ilaa ay ka jilicdo. Kululee 25-30 ilbiriqsi si aad dib ugu kululeyso oo aad u cunto.
La Sifeeyay