Kabaabka Dhalo-cadaha
Cunto qallafsan, farmaajo leh, oo caafimaadka ku habboon oo beddel u ah jacburka caadiga ah.

Heerkulka: | 400 darajo xaraareed |
Tirada Dadka: | 5 kabaab |
Waqtiga diyaarinta: | 15 daqiiqo |
Waqtiga karinta: | 20 daqiiqo |
Wadarta waqtiga: | 35 daqiiqo |
Qalabka: | Saxanka foornada Sufurka ama xaanshida saloolka (ikhtiyaari) Khudaar hoole Baaquli weyn |
Maacuunta: | Koobka iyo qaaddooyinka cuntada lagu cabbiro
|
Maaddooyinka
Saliida cuntada ee birta lagu buufiyo (haddii la isticmaalayo)
2 koob oo dhalo-cadde ah (qiyaastii kala-bar ka mid ah madaxa dhalo-caddaha)
1 ukun
3 qaaddo oo bur ah
1/4 koob oo farmaajada adag ah, la firay
1/4 qaaddo oo filfil ah
Tilmaamaha
- Kahor inta aadan hawsha bilaabin, dhaq gacmahaaga, sagxadaha, iyo cuntada.
- Sii kululee foornada ilaa 400 darajo xaraareed. Ku buufin saxanka dubista leh saliid cuntada ee birta lagu buufiyo ama saar xaanshida saloolka ama xaanshida gasacada ah.
- Ku hool dhalo-cadaha baaquli weyn adigoo isticmaalaya gododka waaweyn ee khudaar hoolaha.
- Waxaad ukunta, burka, farmaajada, iyo filfisha ku dartaa dhalo-cadaha, si fiican isugu walaaq.
- Ka samee ilaa 20 kubbadood ama ulood isku-dhafka dhalo-cadaha. Si siman ugu qeybi saxanka dubista ee kuu diyaarsan.
- Dub ilaa 20 daqiiqo.
La Sifeeyay

Maxaa laga sameeyaa Dhalo-cadaha Jacburka ah?

