Rootiga Kuusaha iyo Bocorka Leh
Haddii aad had iyo jeer u malaynaysay in sukiiniga iyo bocorka ay yihiin cuntooyin aan is qaadan karin, u diyaargarow inaad bedesho ra'yigaaga.

Heerkulka: | 350 darajo xaraareed |
Tirada Dadka: | 1 jeex |
Waqtiga diyaarinta: | 15 daqiiqo |
Waqtiga karinta: | 60 daqiiqo |
Wadarta waqtiga: | 1 saac, 15 daqiiqo |
Qalabka: | Khudaar-hoole Birtaabada rootiga Baaquli weyn Baaquli dhexdhexaad ah |
Maacuunta: | Qaaddada cuntada lagu walaaqo Xurbin ama fargeeto Koobka iyo qaaddooyinka cuntada lagu cabbiro |
Maaddooyinka
Saliida cuntada ee birta lagu buufiyo
2 ukun
1/2 koob oo sonkor aan la sifayn ah
1/2 15 wiqiyadood oo bocor saafi ah oo gasacadaysan
1/4 koob oo goosaarta tufaaxa ah oo aan la macaanayn
1/2 qaaddo (ku dayasho joogto ah) oo biyaha faniilaha ah
1 1/2 koob oo bur cad ah
1/2 qaaddo oo bakin soodha ah
1/2 qaaddo leetito ah
1 qaaddo oo qorfe buddo ah
1 koob oo sukiini ah (qiyaastii 1 sukiini oo weyn), la firay
Tilmaamaha
- Kahor inta aadan hawsha bilaabin, dhaq gacmahaaga, sagxadaha, maacuunta, gasacadaha korkooda, iyo cuntada.
- Sii kululee foornada ilaa 350 darajo xaraareed.
- Ku buufi birtaabada rootiga saliida cuntada ee birta lagu buufiyo.
- Ku wada shub baaquli weyn ukunta, sonkorta, bocorka, goosaarta tufaaxa, iyo biyaha faniilaha. Isticmaal xurbin ama fargeeto si aad u walaaqdo.
- Adigoo adeegsanaya baaquli dhexdhexaad ah isku qas burka, bakin soodha, leebito, iyo qorfe.
- Ku dar maaddooyin qallalan dhafdhafka bocorka. Walaaq si aad isugu darto.
- Si tartiib ah isugu walaaq sukiiniga iyo dhafdhafka bocorka, ka taxaddar in aadan si aad ah isugu qasin.
- Dub ilaa 55-60 daqiiqo ama ilaa istakiinka aad gelisay dhex bartanka rootiga uu ka soo baxo isagoo nadiif ah.
Talooyinka
- Si la mid ah sida doolshada ayay u dubmaan. Isla isticmaal 12-koob doolsheed iyo saliida cuntada ee birta lagu buufiyo oo ku dub 35-40 daqiiqo adoo adeegsanaya 375 darajo xaraareed. Ha isticmaalin birtaabada furka doolshada, maadaama ay doolshadu ku dhegi karto.
La Sifeeyay

Maxaa laga sameeyaa Rootiga Sukiiniga iyo Bocorka Leh?




